"Xeerka Xukuumaddu noo soo Gudbisay iyo Xeerka Guddomiyuhu u Gudbiyey Guurtidu isku Mid maaha, Markanu ogaanay.."Xildhiban Abdirahman

0
Wednesday October 22, 2014 - 16:37:19 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xeerka Xukuumaddu noo soo Gudbisay iyo Xeerka Guddomiyuhu u Gudbiyey Guurtidu isku Mid maaha, Markanu ogaanay.."Xildhiban Abdirahman

    Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Xukumadda iyo Mucaaradka kala taabacsan ayaa dib u curtay, waxaana Eedaymo is waydaarsaday Xildhibaano ka kala tirsan Kulmiye iyo Waddani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Xukumadda iyo Mucaaradka kala taabacsan ayaa dib u curtay, waxaana Eedaymo is waydaarsaday Xildhibaano ka kala tirsan Kulmiye iyo Waddani.
Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada taabacsana Kulmiye iyo Xukumadda ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ugu hanjabay Mooshin xil ka qaadis ah. Waxay ku doodayaan in Gudoomiyaha wakiiladu khalad ka galay golaha ka dib markii uu Xeerkii diwaangalinta ee Goluhu Ansixiyay qodobo ku daray una gudbiyay Guurtida oo iyaguna hakiyay.

"Xeerkii aanu gudbinay ee Goluhu Ansixiyay ee uu 64 Mudane ugu codeeyay maaha xeerka la gudbiyay ee waa mid ka gadisan. Waxaanu soo qaadnay xeerkii Asalkii ka yimid Xukumadda iyo Xeerka Gudoomiyuhu(Cirro)gudbiyay, waxaanu ka soo min guurinay qodobo 9 Bog ka kooban oo kala ah sidii Xukumaddu ku soo gudbisay iyo sidii Gudoomiyuhu ku sii gudbiyay ee guurtida ugu gudbiyay.

Markaanu Ogaanay in Xeerka Guurtida loo gudbiyay ahayn kii Golaha laga gudbiyay ee loo codeeyay waxaanu qaadnay fajac iyo jaahwareer waayo waxaanu garan waynay waxa kalifay in khiyaamadani dhacdo” ayuu yidhi XIldhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Oo XUkumadda taabacsan.

Sidoo kalena XIldhibaan Ibraahin Ruush, ayaa ku hanjabay in Gudoomiyaha Xilka laga qaadayo haddaan arintan xal laga gaadhin "Khiyaamadan qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horeeyay ee Imanayaa waa xil ka xayuubin, waa Imbiijmankaaga, waayo? Wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha oo banaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad gole hogaamiso ku tala gal in Xilka lagaa qaadayo” ayuu yidhi Xildhibaan Ruush oo gudoomiyaha Guurtida farriintan u dirayay.

Dhanka kalena Xildhibaanada Xisbiga Waddani taabacsan ayaa Gudoomiye Cirro ka difaacay Eedahan islamarkaana sheegay in Qodobada Xildhibaanadu ku doodayaan in lagu daray xeerkani yihiin kuwo xeerkan oo 2007-dii la ansixiyay ku jiray balse xukumaddu ka reebtay markii ay wax ka bedelka ku samaynaysay xeerkan diwaangalinta Codbixinta. Waxay sheegeen in xeerkan hore looga ansixiyay labada gole iyadoo qodobadani ku jiraan sanadkii 2007.


Contact@afkashacabka.com