Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac+Sababta.

0
Monday December 02, 2019 - 13:09:42 in by salman abdi
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac+Sababta.

    Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac+Sababta.

Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Dowladda Gobolleedka Puntland mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac kaddib markii uu dhaliilay maamulka

 

 

Ciidamada Amaanka Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa duhurnimadii shalay waxaa ay bartamaha magaalada Boosaaso ka qabteen siyaasiga iyaga oo gudbiyay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

 

 

Kulan magaalada Boosaaso ay ku yeesheen Odayaal iyo Waxgarad uu ka mid ahaa Siyaasiga Muuse Cali Jaamac Jimcihii ina dhaafay ayaa waxaa ay siweyn ugu dhaliileen xukuumadda Puntland in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay Garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, iyaga oo ugu baaqay maamulka uu ka laabto heshiiskaa isaga ah.

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib ayaa lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.