Maraykanka oo Si Xooga Looga Cabsi Qabo Inuu Hub Wax Gumaado Uu Ka Dhigto Ka Dhigto Virus-ka Ebola.

0
Wednesday October 22, 2014 - 21:35:40 in by salman abdi
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Si Xooga Looga Cabsi Qabo Inuu Hub Wax Gumaado Uu Ka Dhigto Ka Dhigto Virus-ka Ebola.

    Warbxinta ayaa sheegaysa in wasaarada arrimaha dibadda ee dalka jarmalku ay waraaqo codsi ah u qaybisay safaaradda iyo qunsuliyadaha maraykanku ku leeyahay wadanka jarmalka taasi oo dawladda maraykanka lagaga codsanayo in aan virus-ka halista badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbxinta ayaa sheegaysa in wasaarada arrimaha dibadda ee dalka jarmalku ay waraaqo codsi ah u qaybisay safaaradda iyo qunsuliyadaha maraykanku ku leeyahay wadanka jarmalka taasi oo dawladda maraykanka lagaga codsanayo in aan virus-ka halista badan ee kumanaanka qof ku dilay galbeedka afrika aan loo adeegsanin sida hubka oo kale ama waxaa afka qalaad loogu yeedho biologiacal weapone.


Waxaaana dawladda jarmalku ay ka cabsi qabtaa in ciidamad maraykanka ee loo diray la dagaalanka cudurkaasi ee ku sugan wadanka liberia ay sidoo kale fulin karaan Talaabooyinviruska ebola ay Ku kaydin karaan si wakhtiyada soo socda istratiijiyad ahaaan marakanka hub ugu istcmaali karo.
dawladda maraykanku ilaa iyo hadda kama jawaabin codsiga jarmalka ee lagaga codsanayo in aanay ciidankeedu tallaabadaasi. Qaadin


waxana dawladda jarmalku ay qoraalkeeda ku sheegtay in calaamka ay hore usoo martay in cuduro laysugu adeeggsado sida hubka wax gumaada oo kale tasaale ahaan dagaaladii ugu xumaa ee dunida soo maray oo laysu adeegsaday virus-ka cudurka fantada loo yaqaano.
wixii markaasi ka dambeeyayna caalamku qaraar buuxa uu kasoo saaray in waddanna aanuu virus-yad halista ah u adeegsan karin hub ahaan sadanku markii uu ahaa 1972 waxa qalinka ku duugay qaraarkaasi 179 wadan oo ay ka mid yihiin jarmalka Maraykanka iyo Ruushka.


hase ahaateee arrintani Ebola ee jarmalka walaaca ku abuurtay waxaa ay sii baahinaysaa cabsida laga qabo cudurkani Ebola iyo ciidamada lagasoo diray Ee ka Socda wadamada maraykanka iyo ingiriiska oo dhawr kun oo askariMidkiiba usoo diray wadamada liberia iyo Sierra Leone in ay fulinayaan ujeedooyin kale oo ah in virus-kani ay u kaydsadaan hub ahaan sida uu ka digayo dalka jarmalku.
waxaana dad badani su’aalo iska waydiinayeen meel dhakhaatiir looga baahan yahay maxaa keenay in ciidamo loo diro sida maraykanka iyo ingiriisku ay sameeyeen?


Sababtu waxaa ay u dhawdahay tan haatan uu ka digayo wadanka jarmalku.
Ebola waa virus halis ah oo si dhakhso ah u baahaya dadka uu asiibaana ay si deg deg ah u geeriyoodaan.


Contact@afkashacabka.com