Duufaan iyo Roobab culus oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha bari ee Soomaliya

0
Tuesday December 03, 2019 - 13:20:32 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaan iyo Roobab culus oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha bari ee Soomaliya

    Duufaan iyo Roobab culus oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha bari ee Soomaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaan iyo Roobab culus oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha bari ee Soomaliya Duufaan magaceeda lagu sheegay Ambali oo sidata Roobab culus ayaa la filayaa inay ku dhufato dhulka ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya ee koonfurta iyo waqooyi bari ee Soomaaliya.

 

 website-ka faalooda cimilada ee la yiraahdo accuweathe, ayaa sheegaysa, in ay duufaantaan kasoo bilaabanayso jasiiradda Madagaskar oo kutaala badwayenta Hindia, iyadoo kadibna kusoo fidaysa illaa xeebaha bari ee Soomaaliya.

Roobabka xoogooda ayaa lagu wadaa inay gaaraan qaar kamid ah magaalooyinka Puntland, sida Garowe, Gaalkacyo iyo Bosaso, waxayna arrintaan dhacaysaa afarta illaa shanta bisha December.

agaasimaha hay'adda maaraynta masiibooyinka ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Axmed Ceyrow, ayaa u sheegay in hay'addu sameynayso qiimayn kadibna ay warbaahinta macluumaad siindoonaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Soomaaliya, Abdirashiid Mohamud Hassan oo ahaa masuulkii ugu horeeyay ee arintaan ka hadla ayaa ku baaqay in la helo wacyigalin warbaahineed oo loogu digayo dadka ku nool deegaanadaas.