Xaalad deggenaasho oo saakay ka jirta deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

0
Friday December 06, 2019 - 12:02:51 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad deggenaasho oo saakay ka jirta deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

    Xaalad deggenaasho oo saakay ka jirta deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deggenaasho oo saakay ka jirta deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

Waxaa saakay deggan deegaannadii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Mudug oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

 

 

Dagaalka oo gaar ahaan ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ayaa noqonayaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara deegaanka, waxaana marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu sababay sidoo kale ka barakacay dadkii degganaa Aaga lagu dagaalamay.

 

 

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo baaq kazoo saaray dagaalka ayaa yiri "Dagaalka ka soo cusboonaaday Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”. Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.

 

Waxaa sidoo kale isna dagaalkan ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug oo ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan..

"Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka ahalka ah ee dagaaladu ku dhax mareen deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.Waxaan xasuusinayaa in colaadda aan ciduna ka faaideeyn, oo aan ku wada khasaareyno, Maamulada u dhaw iyo dadka deegaankaba waxaan ugu baaqayaa in dhibkaas lagu baxo lana qaboojiyo” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Gobolka Mudug waxaa marar badan oo hore sidan oo kale waxaa ku soo noqnoqday dagaalka u dhaxeeya beelaha wadda dega gobolka oo salka ku haya dad horay leysaga dilay iyo lahaanshaha deegaannada lagu dagaallamo.