Dawlada Kenya Oo Shaacisay Amar Ay Duldhigtay Diyaaradaha Ka Imanaya Magaalada Kismaayo Ee Jubaland.

0
Friday December 06, 2019 - 12:16:36 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Shaacisay Amar Ay Duldhigtay Diyaaradaha Ka Imanaya Magaalada Kismaayo Ee Jubaland.

    Dawlada Kenya Oo Shaacisay Amar Ay Duldhigtay Diyaaradaha Ka Imanaya Magaalada Kismaayo Ee Jubaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo Shaacisay Amar Ay Duldhigtay Diyaaradaha Ka Imanaya Magaalada Kismaayo Ee Jubaland.

Dawlada Kenya ayaa shaacisay amaro cusub oo ay ku soo rogtay diyaaradaha ka yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ee soomaaliya.


Amar ka soo baxay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee dalka Kenya ayaa shaacisay amarka la duldhigay duulimaadyada ka imanaya magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.


Amarkan ayaa dhigaya in diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baadhitaan la xidhiidha amniga oo ay ku mari doonaan magaalada Wajeer ee deegaanka soomaalida Kenya.


 

 

Kulan ay Magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya 14-kii bishii la soo dhaafay ee Novembar ee sanadkan 2019 ayaa waxay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay toos ah u tagaan Nairobi.

Soomaalida ayaa dhibaato waxay kala kulmaan sii marista Magaalada Wajeer oo si weyn loogu baaro, waxaana dhowr jeer Dowlaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi.