Faaahfaahin ku saabsan Roobab dabeylo wata oo da'aya Puntland

0
Saturday December 07, 2019 - 13:06:07 in by salman abdi
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaahfaahin ku saabsan Roobab dabeylo wata oo da'aya Puntland

    Faaahfaahin ku saabsan Roobab dabeylo wata oo da'aya Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faaahfaahin ku saabsan Roobab dabeylo wata oo da'aya Puntland Roobabka dabeylo wata ayaa hadda ka da'aya xeebaha Badda Hindiya gaar ahaan degmooyinka Eyl, Xaafuun iyo meelo kale oo kamid ah Badda Cas. Wuxuuna wataa Roobku qabow daran.

 

Maamulka Puntland ayaa dadweynaha kula taliyay inaysan Ku safrin Togagga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo Mareenka ah ayna muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, iyadoo laga cabsi qabo inay daad xoogan ka dhashaan Roobabkaan oo da'aya in ka badan 24saac.

Khasaare aad u baaxad weyn weli lamasoo tebin, inkastoo degaanada xeebaha kuyaala lagasoo sheegaya in dabeyshu waxyeelo ugeysatay guryo iyo qalab kalluumaysi oo badan.

Magaalooyinka Puntlad oo ay kamid caasimadda Garowe, waxaa illaa iyo haatan ka da'aya Roob wata dabeyl aan sidaasi xoog badnayn, waxaana saakay oo sabti ah xiran dhammaan xarumahii waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale addeega korantada ayaa mararka qaarkood hawada ka baxaya.