Guddoonka Aqalka Sare iyo Wakiiladda Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka
Guddoonka Aqalka Sare iyo Wakiiladda Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Wakiillo ka socday Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana kulanka ay uga wadahadleen sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah.
Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Xubnaha Wakiilada Caalamka ayaa ku baaqay in saamileyda siyaasadda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sameystaan Siyaasad deggan, islamarkaana ka wada tashadaan sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa xubnaha Beesha caalamka u sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku howlan yahay dhameystirka iyo ansixinta Sharciga doorashooyinka oo ay Baarlamaanka u soo gudbisay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Guddoonka Aqalka Sare iyo Wakiiladda Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka
Guddoonka Aqalka Sare iyo Wakiiladda Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka