Baaq Nabaddeed oo laga soo saaray dagaalka gobolka Mudug

0
Sunday December 08, 2019 - 14:46:26 in by salman abdi
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Nabaddeed oo laga soo saaray dagaalka gobolka Mudug

    Baaq Nabaddeed oo laga soo saaray dagaalka gobolka Mudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq Nabaddeed oo laga soo saaray dagaalka gobolka Mudug

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka,Odayaal, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaad ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

 

 

 

Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in dagaal khasaaro mooyaane uusan wax faa’iido ah soo kordhineyn.

 

Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhexmaray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay in ay colaada joojiyaan, islamarkaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Inkastoo xilligan uusan wax dagaal ah ka jirin deegaankii lagu dagaalamay ee Ina-Diideey duleedka degmada Afbarwaaqo ayaa hadana dadka deegaanka ay baqdin muujinayaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday 17 ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.