Amnest International Oo Dawladda Holland Ku Canaanatay Celinta Qaxoontiga Soomaalida Ah
- Visits: 683
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Hay'adda xuquuqul insaanka u Dooda ee Amnesty International ayaa dowladda Holland ku eedeysay inay ku xad gudbeyso xeerka caalamiga ah,
oo ay Qaxooti Soomaali ah ku celineyso meelaha ay Al-shabaab maamulaan.
Warbixin ay maanta baahineyso Hay’addan u dhaqdhaqaada xuquuqda aadanaha ayaa sheegeysa, in dad qasab lagu celiyo ay sababi karto dhimasho iyo in la dilo, waxayna u sheegtay Xukuumadda Holland inay bedesho siyaasadeheeda ku wajahan dadka ku guuldareystay inay helaan megengelyo.
Marka loo eego warbixintan, dib u celinta Somalida ee meelaha ay maamulaan Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay la mid tahay "qof lagu tuuray hoy libaax”.
Amnesty tixraac ayay samaysay
Amnesty International ayaa tixraacday kiiska wiil lagu magacaabo Axmed Siciid, oo Holland tagay asigoo 6 sano jiro, markuu gaadhay 26 sano ayey dowladda dalkaasi ku qasabtay inuu dib ugu noqdo Muqdisho.
Seddax maalin kaddib, Axmed waxa uu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.
Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka ee Netherlands ayaa BBC-da u sheegay in codsiyada dadka megengelyo doonka ah loo qiimeynaayo si shaqsi shaqsi ah, qiyaastii 30 qof ayaa sanadkanna dib loogu celiyay Soomaaliya.
Bishii May ee sanadkan, Qaramada midoobey ayaa ku boorisay dalalka qaxootiga Soomaalida ah ay ku sugan yihiin, inaanay dadkan ku celin meelaha ay noloshooda halis ku gali karto.
Contact@afkashacabka.com
Amnest International Oo Dawladda Holland Ku Canaanatay Celinta Qaxoontiga Soomaalida Ah
Hay'adda xuquuqul insaanka u Dooda ee Amnesty International ayaa dowladda Holland ku eedeysay inay ku xad gudbeyso xeerka caalamiga ah,