Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

0
Thursday December 12, 2019 - 14:35:43 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

    Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca.

 

 

 

War saxaafadeed uu soo saaray Donald Yamamoto ayuu ku sheegay in dowladda Mareykanka ka go’an tahay inay taageerto dadaaladan, isla markaana ayhubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

 

"Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

"Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska”

Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.