Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo

0
Sunday December 15, 2019 - 10:09:31 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo

    Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo

Toddobaad ka hor waxa aad ka cunteynaysay hoteka cunnada ee gudaha baarlamaanka balse toddobaadkii xigay waxaad noqotay shaqo la'aan.

Laga bilaabo Jimcaha soo socda waxa ay arrintaasi haysataa 47 xildhibaan oo kuraastoodii ku waayay dorashadii dalka UK ka dhacday Khamiistii.

Xildhibaanada kuraastooda lumiyay waxaa ka mid ah Jo Swinson, oo ahayd hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dems. waxay ku guuldareysatay kursigii deegaankeeda bariga Dunbartonshire,iyadoo 149 uu uga guuleystay musharaxii ak socday xisbiga SNP.

Dominic Grieve, oo ahaa musharax madaxbanaan ayaa xafiiskiisa ka tagi doona ka dib markii uu doorashada ku guuldareystay.

Hogaamiyaha ku xigeenka xisbiga DUP Nigel Dodd ayaa waxaa kursiga kaga guuleystay Sinn Fein's John.

Hadabo maxaa dhacaya intaa ka dib?

Marka hore kaarkii ay ku gali jireen baarlamaanka ayaa meesha laga saarayaa 19 bishan December.

Arrintan waxay micnaheedu tahay in baarlamaanka aysan gali Karin wax ka dambeeya 19 bishan.

Xildhibaanadii lumiyay kuraastooda waxay haystaan 5 maalmood oo ay waxyaabaha ka yaalla xafiiskooda uga qaadan karaan islamarkana waxay faarujin doonaan dhismaha Westminster.

Hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dem Nick Clegg ayaa kursigiisa ku waayay doorashadii 2017Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dem Nick Clegg ayaa kursigiisa ku waayay doorashadii 2017

Ma jirtaa wax lacag ah oo la siinayo?

Waxaa la siin doonaa lacag yar oo ah miisaaniyada sagootinta.

Waxay lacagtaasi gacan ka siinaysaa xildhibaanada in ay qarashaadkoda isaga bixiyaan marka uu mushaarkooda joogsao waxa ayna arrintan soconaysaa ilaa February 2020.

Zac Goldsmith waxa uu doorashada ku guuldareystay sanadkanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionZac Goldsmith waxa uu doorashada ku guuldareystay sanadkan

Maxaa ku dhacaya shaqaalahii la shaqeynayay?

Shaqaalaha xildhibaanada kuraastooda ku guuldareystay ayaa iyaguna shaqadooda waayi doona.

Cilmi-baarayaasha ,saraakiisha ololahii doorashada iyo ku xigeenadooda ayaa dhammaan shaqdooda waayi doona wixii ka dambeeyay natiijadii Jimcihii aanu soo dhaafnay.

Nic Trower ayaa aad u garanaya dareenka ay arrintni leedahay.

Waxa uu kaaliye u ahaa Stephen Williams, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisbigaa Lib Dem kaasi oo kursigiisii lumiyay doorashadii 2015.

Islamarkii uu xildhibaanka ku guuldareystay doorashada waxaa isna laga tiray shaqada.

"Waa naxdin ballaaran,xafiiska ayaad aadaysaa ,wax walba wada so nadaaminaysaa ka dib na waad isaga so baxaysaa."ayuu yiri.

Waxaa uu BBC u sheegay in ay tahay mid qiiro leh in xildhibaan saaxibkaa ahaa aad aragto isaga oo shaqadiisii iyo xirfadiisii guud ahaan waayay.

Xildhibaanada mar kale ku guuleystay kuraastooda ayaa lagu wadaa in ay baarlamaanka ku soo laabtaan 17 December.