Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Qaabilay Wafti Ka Socda Talefishanka Finland

0
Sunday December 15, 2019 - 10:12:08 in by salman abdi
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Qaabilay Wafti Ka Socda Talefishanka Finland

    Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Qaabilay Wafti Ka Socda Talefishanka Finland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Qaabilay Wafti Ka Socda Talefishanka Finland Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokkor Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Talafayshinka Qaranka ee Dalka Finland waftigan oo ay hogaaminaysay Inka Achte oo ay weliyaan Hanna Karppinen, Tomi Rajala, iyo Sawir qaade Man Tuomo hutri, dhanka Wasiirka Wax kulanka ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Muuse yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta C/laahi Samadoon, Madaxa Xidhiidhka(Communication Officer ) Ismaaciil Cali Axmed.

 

Waxay labada dhinac kulankan ku gorfeeyen sidii ay u yeelan lahaayen xidhiidh qoto dheer, waxaanu Wasiirku warbixin ka siiyey xaalada guud ee Dalka gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxanay waftigan ka socda Talafayshinka Finland sheegen in ay Wasaaradda kala shaqaynayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayen adeega uu Wasaaradda siiyo Xafiiska Xidhiidhka (Commmunication Office ) ku una qalabayn lahaayen, dhanka kale waxay sheegen in ay gacan ka gaysan doonan Wadooyinka Caasimada Hargaysa sidii loogu samayn lahaa calaamadihii hagaysaasha Gaadiidka.

Ugudanbayntii Wasiirku waxa uu u mahad celiyey Waftigaas ka socda Talafffayshinka Qaranka Finland, waxaanu soo dhaweeyay kaalmada ay sheegen, Waftiga ayaa iyaguna u mahad celiyey Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee shirka kala qaybgashay, kulanka aya waxa uu ku soo idlaaday is-afgarad.