Nafteenna maka xoreyn karnaa qabyaalad? WQ: Ayaanle Xuseen Cabdi

0
Thursday October 23, 2014 - 12:33:24 in by salman abdi
  • Visits: 1734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nafteenna maka xoreyn karnaa qabyaalad? WQ: Ayaanle Xuseen Cabdi

    Waxaan rajeynayaa in dadka Soomaaliyeed maallin un ay ka xoroobidoonaan ama ka ilbixidoonaan adeegsiga qabyaalada, oo ah cudurka ugu weyn ee indhaha ka riday jiilal badan oo aan innagu kamid nahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan rajeynayaa in dadka Soomaaliyeed maallin un ay ka xoroobidoonaan ama ka ilbixidoonaan adeegsiga qabyaalada, oo ah cudurka ugu weyn ee indhaha ka riday jiilal badan oo aan innagu kamid nahay.


Waa cudur hadaan haddeer la dabar goyn saameyn doona jiilalka dambe ee dhaxlidoona Soomaaliya.ma hubo in jiilal badan oo dambe aan sii jiridoono iyo in kale, waxaa suurta gal ah in aan joogno waqtigii gabagabadda jiritaanka Soomaaliya.


Marka aan sidaa leeyahay waxaa laga yaabaa in magaca Soomaaliyeed sii cimridheereeyo oo uu lamid noqdo sida bulshooyinka Oromo, Kikuyu iyo Tigrinya(Tigray).Waa qowmiyaad magac ahaan u jira laakin aan qaran ahaan u wadan magacooda, waxaana ay ku hoos nool dowladaha qowmiyadaha badani kamid ka yihiin ee Itoobiya iyo Kenya.Waa wax dhici kara in Soomaalidu sidaa ku dambeyso waqtigey doonto ha qaadatee, si lamid ah sida hadaba ay dad Soomaaliyeed ugu hoos jiraan maammulada Itoobiya iyo Kenya iyaga oo Soomaali ah.Magaca Soomaaliya oo ah magaca dowladnimo iyo qarannimo waxaa uu marayaa meeshi ugu dambeysay cimrigiisa sida ka muuqata dal ahaan iyo dad ahaan. Ilaah baa qeybka garanaya laakin saadaashu waa sidaas.


Haddaba in halistaas aan xusay Soomaaliya ay ka badbaado kaalin intee la eg baad ka qaadan kartaa dabar goynta qabyaalada Soomaaliya ?Isku day in fariinta aan kuu sheegeeyo aad u bandhigto garashaadaada kadibna aad ku camal fasho.Sadex qof oo muhim ku ah nolloshaada adduun iyo tan dambe ee aakhiro qabyaalad laguma xusho.Haddaba sadexdaasi maxay kala yihiin ?Waa Saxiibkaaga ,Xaaskaaga iyo Hoggaanka dalkaaga.Qasab ma’ahan in aad isku qabiil noqotaan saxiibkaaga runta ah. sababtoo ah waa qof waxa aad ku saaxiibteen laga yaabo in qof leh aadan ka hellin qabiilkaaga. Hadaad shuruud uga dhigto in uu qabiilkaaga noqdaana waxaa laga yaabaa in aadan waligaa saxiib dhab ah hellin.Saxiibku waa qofka ugu muhimsan nolloshaada wixi ka baxsan qoyskaaga. Waa qof aad ku aamini karto wax badan oo laga yaabo in aadan ku aaminin walaalkaa.


Qiimaha saxiibku leeyahay kama baxeyno hadaan ka hadlo maanta oo dhan, waa qof aan kula dhalan laakin laga yaabo in walaalkaa kaaga dhowyahay.Marka qofka heerkaas noloshaada ka jooga ma qumantahay in qabyaalad aad ku xulato.Xaas-kaaga ama xaasaskaaga waa lammaanahaaga nolosha, waa qofka kuugu dhow xagga nolosha aadanaha oo dhan, waa qof kula qeybsada dhib iyo dheef wixi noloshaada soomara. 


Waa qofka aad ku aamintay noloshaada oo dhan sir iyo caad.Waa qofka ogg ceebahaaga iyo wannaaga aad leedahay, waxana u sahlay waa nolosha ay kula wadaagtay ama uu kula wadaagay habeen iyo maalin.Qofka heerkaas ku ah noloshaada qasab ma’ahan inaad qabiil ku xulato ee waxaa qasab ah in naftaadu ku qanacdo, calafna eebe kuugu daro. 


Bal ka waran hadaad tiraahdo waa qasab in xaaskaaga ama ninkaaga aan isku qabiil noqonaa.Hogaamiyahaaga, Madaxweynahaaga, xildhibaankaaga iyo cid kasta oo aad ku aamineyso mas’uuliyada maammulka naftaada qasab ma’ahan inaad ku xulato qabyaalad, ee waa in ay jiraan wax ka weyn oo kugu qasbaya inaad ku doorato.Kamma hadlayo waxyaabaha ay tahay in aad ku xulato, munaasab kalle ayaan kaga hadlidoonaa. laakin ujeedadeydu waa in qofka aad ku aamineyso naftaada, tan qoyskaaga, deegaankaaga iyo dalkaaga ay jiraan wax aad ku xulato oo aan ahayn qabyaalad iyo nin jecleysi.


Tusaale: Waxaa addiga iyo qoyskaaga aad ka baxeysaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaad ku socotaan London. Waa marki ugu horeeysay ee aad ku safarto Somali airline.Saacaddi ugu dambeeysay ee ay diyaaradu kici lahayd, waxaa albaabka diyaarada laga soo geliyay nin garbaha lagayo, luggaha aan dhulka aan saanni u dhigi kareynin oo jiidaya.Ninki waxaa leydiin dhaafiyay dhanka qeybta laga hago diyaaradda. Waad layaabtay, sabbabtoo ah waa nin labisan dharka wadaha diyaaradda oo isaga oo garbaha la hayo lageliyay shirka diyaaradda.Kadib gabar kamid ah adeegayaasha diyaaradda oo agtaada mareyso ayaad weydiisay, muxuu ahaa ninka qolka laga wado diyaarada la geliyay.Waxay ku tiri’ waxba ha walwalin waa wadaha koowaad ee diyaaradda marwalba isagoo cabsan ayuu ka xeeyaa, waa nin xariif ah!Nin garabkaaga fadhiyay oo aad isku qabiil tihiin isla markaana maqlayay jawaabta gabadha ayaa ku yiri saxiib waxba haka baqin ninkani waa tolkeena, Konton sanno ayuuna wade ka ahaa diyaaradda, ee fulaynimada iska dhaaf !Bal maxaad yeeli lahayd, waxaad haysta shan daqiiqo kadibna diyaaraddu wey ka ceysaa?Inta aannan kuu sheegin waxaan annigu ka Ayaanle ahaan sameeyn lahaa, bal isku day in aad ka jawaabto su’aalahan soo socda?Bal isweydii diyaaradaas maku safri lahayd, ka faker oo waxaa safarka kugu wehliya caruurtaada oo dhan iyo xaaskaaga ?


Jawaabteyda: anniga hadaan ahay qofka diyaaradda ku safraya inta aan suunka iska furo ayaan kala dagi lahaa qoyskeeyga, dadka rakaabka ahna waxaan cod sare ugu sheegi lahaa in naftoodu ay halis ku jirto hadii ay ku safraan diyaaradda hadaan dhaqso loo badallin wadaha.Waan ka xumahay in aan tusaale noocaas ah soo qaato, oo dad baa laga yaabaa in ay moodaan in aan iyaga ka hadlayo. Laakin waa tusaale aan isleeyahay ku badbaadi inta damiirka leh ee wanaag u fahmeysa hadalkeyga.Waxay ila tahay , Qofka diyaaradda inuu wado loo xulo qasab ma’ahan inuu qabiilkaaga noqdo ama aad qabyaalad ku doorato, ee waxaad u baahantahay oo kaliya qof aad ku aaminikarto naftaada iyo tan qoyskaaga inta aad hawada ku safreysaan.


Haddaba Isweydii maxaan ku xulanay hogaamiyaasha iyo siyaasiyiinta dalkeena Soomaaliya muddo ka badan 50 sanno oo aan xor ahayn ?Ma waxaad i leedahay, waxaan ku xulanay cid kale oo ka muddan oo na hoggaamiso ayaan weynay.Maya mawaxaad I leedahay waxaan ku doortay xildhibaankeeyga inuu qabiilkeyga yahay oo kaliya ee wax kale kuma xulan.Maya, Ma waxaad idhihi lahayd, annigu cidna ma dooran waxaan ku doortana cidi iima sheegin.


Maya waxaas oo dhan ma’ahan ee mawaxaad ileedahay waxaan ahayn umad qaflad ku jirta oo 54 sanno ku safreysay diyaarad uu wade ka yahay ninka isaga ah isla markaana ay kalkaaliyaalna u yihiin dadki aan xil kasaarneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Hadaba maxay kula tahay in nolosheena aan ka xoreyno fakerka Qabyaalada iyo nin jecleysiga ku dhisan ee aan u guurno faker xor ah oo ku dhisan qiimeynta shaqsiga iyo waxa uu qaban karo.


FG:

Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh Bahda Hannoolaato.com

Ayaanle Xuseen Cabdi

 

London, Boqortooyada Britain