Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

0
Sunday December 29, 2019 - 10:12:44 in by salman abdi
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

    Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii argagixiso ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo.

 

 

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkiga ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celisay Dowladda Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.

Qarixii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.