Daawo Gudoomiyayaasha 3da Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkii ay kaga qaybgaleen Nairobi, Qadhanbixiyashi ay la kulmeen iyo jawigi u ku so dhammaaday

0
Friday October 24, 2014 - 08:26:19 in by London Office
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Gudoomiyayaasha 3da Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkii ay kaga qaybgaleen Nairobi, Qadhanbixiyashi ay la kulmeen iyo jawigi u ku so dhammaaday

    Sidoo Kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaaDood Adag BBC da kula Galey Hoggaamiyayaasha UCID & KULMIYE Oo Wer-wer Ka Qaba In Doorashadu Xilligeeda Dhacdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo Kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaaDood Adag BBC da kula Galey Hoggaamiyayaasha UCID & KULMIYE Oo Wer-wer Ka Qaba In Doorashadu Xilligeeda Dhacdo

Saddexda guddoomiye ee xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo Magaalada Nairobi kulamo kula leh qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey suurto-galnimada in doorashada Madaxtooyada qabsoonto badhtamaha sanadka dambe.

Guddoomiyaha WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du dhex dhigtay dood ku saabsan qabsoomidda doorashada Madaxtooyada iyo ansixinta xubnaha Madaxwaynuhu u magacaabay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay arrintaasi.

Guddoomiye Cirro oo hadalka ku hor marey ayaa sheegay inuu ku rejo weyn yahay in doorashadu qabsoonto xilligeeda, balse Faysal Cali Waraabe uu sheegay in aanay jirin doorasho dhaceysa bisha lixaad ee sanadka dambe. Hasa-yeeshee Guddoomiyaha KULMIYE ayaa isaguna sheegay in tallaabo kasta oo la qaadayo laga wada tashanayo, si nabadgalyada dalka iyo danta ummada loo dhowro "Waxay aniga iigu muuqataa in doorashadu ku qabsoomayso wakhtigeeda, sidaasi ayuu caalamku jecel yahay, shacabka Somaliland-na jecelahay” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro, laakiin Faysal Cali Waraabe oo hadalka ka deba qaatey ayaa taasi bedalkeeda ku doodey "Doorashadu ma qabsoomayso bisha June ee sanadka 2015-ka, maaha inaynu waxaa nafteenna ku maaweelino, waayo hawl badan baa doorashada a horeysa, hawlahaanna qaarna waa qabyo, qaarna waa qabyo, laakiin waxaanu ku dedaalaynaa haddii ILAAHAY yidhaahdo in aanay doorashadu nala dhaafin 2015-ka, Guurtidu inay kordhisaanna aanay imanin”

Muuse Biixi oo la waydiiyey in doorashada Madaxtooyadu xilligeeda qabsoomayso, ayaa ku jawaabay "Taasi (In doorashadu ku qabsoonto xilligeeda) waxaanu qiimeyn doonaa marka Baarlamaanku soo noqdo ee aanu isla eegno wakhtigii ay dhici lahayd iyo hawlaha yaalla. wax marka la isku cabbiro, markaas ayaa la qiimeyn karaa, laakiin imika dedaal ayaanu haynaa. Annagana wax nagu baaqdey ma jiraan, waayo sharcigiina waanu gudbinay, komiishankiina waalla Magacaabay, labadaasina waxay u yaallaan Baarlamaanka. Baarlamaanku wuu u madax-banaan yahay fasaxa iyo imaantinkiisaba oo xukuumaddu shaqo kuma laha, waayo baarlamaanku marka uu fasaxa gelayo lama waydiiyo xukuumadda, maadaama oo uu yahay hay’ad la siman, go’aan Baarlamaan (Fasaxa) in annaga la noo xambaariyo maaha. Laakiin wixii kale ee naga awood bata ee yimaadda waa halkeeda”.

RMtMm6k0O5Y8786EL4xxSJHZeiy-BmV8vcCiF_z2LQ9Iuf2ZjnNQiKIs8yoslFaTGHbaod5uGzhMhJR_rEbYhlr4cNRPHZgGN-FgDw4dq0xFcx4vW6M1RT0kHngNPpV1kMnxGAZR7kL8AhhncWme4xe4cmEwQoFoHWhv=w591-h443-nc

 

Laakiin, Guddoomiyaha WADDANI oo hadalka Muuse Biixi ka jawaabay ayaa sheegay "Baarlamaanku fasax ayuu galay, laakiin diyaar ayuu u yahay shaqo kasta oo timaadda isaga oo fasax ku jira, taasi waxa caddeynaysa in Baarlamaanka la isugu yeedhay si loo ansixiyo guddida doorashooyinka qaranka, hasa-yeeshee ilaa hadda xukuumaddu ma soo gudbin dhukumantigii lagu ansixin lahaa, inkasta oo uu Baarlamaanku diyaar u yahay inuu Sabtida ansixiyo” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.

Hasa-yeeshee Guddoomiyaha KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay jirin wax ku baaqdey dhanka xukuumadda "Guddoomiyaha waa loo keenay Magacyada 7 xubnood ee Madaxwaynuhu u soo Magacaabay (komishanka), waxa ka dhiman haddey yihiin dhukumantigii, sida warqaddii Dambi la’aanta iyo caafimaadka (xubnaha Komishanka), sow maaha wax ay u doonaan karaan hay’adihii ku shaqada lahaa. Madaxweynuhu wuu soo Magacaabay oo liiska xubnaha komishanka way haystaan, laakiin Baarlamaanku iyagaa hawshan candadawlaya, waayo iyaga ayay hawshu u taallaa”

Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inaan ilaa hadda loo soo gudbin dhukumantiyadii lagu ansixin lahaa xubnaha Komishanka doorashooyinka "Madaxwaynuhu wuxuu soo gudbiyey Magacyo, Madaxtooyadana waxa laga rabaa inay soo gudbiso dhukumantiyadii, waayo annagu suuqa kama doonano (Dhukumantiyada) oo dalku nidaam ayuu leeyahay (Loo raaco) Magacaabista iyo waraaqahoodaba iyaga oo wada socda ayaa laga rabay (Madaxwaynaha). Inay kala hadhaan macno malaha oo waalla sugi karayey, laakiin wakhtiga ay qaadatey marka la eego wakhti ku filan oo lagu keeni karayey weeyaan, markaa haddey baaqato in komiishanka la ansixiyo Sabtida (Berri) waxay u baaqatey uun qabyada xukuumadda ku maqan, welina looma gudbin guddidii sii baadhi lahayd”

Guddoomiyaha UCID, oo la waydiiyey waxa keenay in taageero u muujiyo in xukuumadda loo sameeyo muddo kordhin, ayaa ku jawaabay "Waxaan tusayaa caalamka in hay’adihii loo igmaday aanay ka soo bixin (Shaqadii) ahayd in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, oo ay dib u dhacayso ayaan runta uga sii sheegayaa. Wax badan-baan ogahay, laakiin imika sheegi maayo oo 26-ka bisha June (2015-ka) doorasho ma dhacayso”

Saddexda guddoomiye oo la waydiiyey wax ummadu ka qorto oo la xidhiidha doorashada Madaxtooyada, ayaa mid mid uga jawaabay.

Guddoomiye Cirro, ayaa yidhi "Waxaad naga qortaa in doorashadu xilligeeda ku dhaceyso”

Guddoomiyaha Kulmiye, Muuse Biixi, ayaa isaguna sheegay "Waxaad naga qortaan inaanu ku dedaalayno in wax walba xilligii loogu talo-galay inay ku hirgalaan, hasa-yeeshee aanu ka hor marineyno danta iyo daganaanshaha dalka oo aanu ka wada tashaneyno mar walba go’aanka aanu gaadheyno”

Guddoomiyaha UCID, ayaa isaguna hadalkiisa ku soo gabogabeeyay "Horta saddexdayada guddoomiye waxaanu u wada soconaa inaanu ku mifdeysannahay in doorashadu noo dhacdo 2015-ka, oo aanu sidaasi ka raaridno bulshada caalamka ee qaadhaanka doorashooyinka naga bixiya”.




Afkashacabka.Com
Nairobi/kenya
Contact@Afkashacabka.Com