War Degdeg Ah:Ciidamada Qaranka Jahmuuriyada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.

0
Friday October 24, 2014 - 08:33:31 in by London Office
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah:Ciidamada Qaranka Jahmuuriyada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.

    Ciidmada qaranka Jahmuuriyada somaliland ee Jiida hore ku sugan ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaadhigii dagaal ooge madaxwaynaha kooxda la baxday khaatumo Seeg ee Cali khaliif Galaydh".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidmada qaranka Jahmuuriyada somaliland ee Jiida hore ku sugan ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaadhigii dagaal ooge madaxwaynaha kooxda la baxday khaatumo Seeg ee Cali khaliif Galaydh".

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal ooge Cali khaliif Galaydh looga yeedhay dalka itoobiya oo farta loogu fiiqay in aanu soo galin dhulka Iyo xadka itoobiya marka ciidmada qaranka somaliland ay soo eryadaan' waxaana isla shalayba laga masaafuriyay magaalada adis ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Cali khaliif Galaydh ayaa Isku dayay Inuu dhuumasho ku galo tuulada saxdheer oo ciidamada qaranka somaliland gacanta ugu jirta waxaana laga qabtay gaadhi uu watay oo aad u qaali ahaa kaas oo lahaa taarikada Somaliya oo dawlada Xamar dhawaan siisay."

Sidoo kale ciidanka qaranka somaliland ee ku sugan saxdheer Iyo nawaaxigeeda ayaa hub badan Iyo ilaaladii dagaal ooge Cali khaliif galayr gacanta ku dhigay waxaanu caraar ku galay tuulada doocamo ee Xadka Itoobiya Iyo somaliland ku taala". 

Ciidamada somaliland Iyo kooxda uu Hogaaminaayay dagaal ooge Cali Khalif galaydh ayaan wax khasaare ah oo nafi ahi dhicin dagaal yar oo dhex maray Lakiiin ciidamada ayaa eryaday Cali khaliif Galaydh iyo kooxda khaatumo Seeg oo ay hub igu gadiid ka qabteen.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee dagaal ooge dibad wareega ah ee Cali khaliif Galaydh oo Iskudayo Inuu gaado jiidaha hore ee melteriga dalka Jahmuuriyada somaliland fadhiiyaan lakiin kala kulma Marwalba dhirbaaxo Kulul Iyo jab halaag soo gaadha kooxda khaatumo Seeg ee dhibaatada ka Wada qaar kamida deegaamada Bariga Somalialnd".


Xigasho: Qoryaalenews

Contact@Afkashacabka