Madaxweynaha Somaliland oo Shacabkaiisa Iyo Shucuubta Muslimiinta Ku Hanbalyeeyay Curashada Sannadka Cusub Ee Hijriyada.

0
Friday October 24, 2014 - 18:38:10 in by Super Admin
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Shacabkaiisa Iyo Shucuubta Muslimiinta Ku Hanbalyeeyay Curashada Sannadka Cusub Ee Hijriyada.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shacabka Somaliland iyo ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shacabka Somaliland iyo ..

guud ahaan shucuubta Muslimiinta ku hanbalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka ee Hijriyada, sidaana waxaa lagu bayaamiyay war-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo u dhigna sidan.

image

Date: -24/ 10/2013

HAMBALYAYADA MADAXWEYNAHA EE SANADKA CUSUB EE ISLAAMKA 1436-KA (HIJIRIYADA)

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka1436(Hijiriyada), awgii oo ku beegan Sabtida Beri oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.



SANNAD WANAAGSAN OO WACAN



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL