Iiraan oo qiratay inay soo riday Diyaaraddii rakaabka ee Arbacadii burburtay

0
Saturday January 11, 2020 - 11:29:18 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan oo qiratay inay soo riday Diyaaraddii rakaabka ee Arbacadii burburtay

    Iiraan oo qiratay inay soo riday Diyaaraddii rakaabka ee Arbacadii burburtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iiraan oo qiratay inay soo riday Diyaaraddii rakaabka ee Arbacadii burburtay

Militariga Iran ayaa waxay sheegeen in "si aan ula kac ahayn oo kamaa ah " ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukrainian,sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay"khalad uu bina'aadam sameeyay ".

Dadkii masuulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay.

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Ra'iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay jimcihii in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.

Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

"Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay", ayuu ra'iisul wasaaraha Canada.

Balse Iiraan ayaa xilligaasi diiday in ay diyaaradda soo dhacday ka dib markii ay gantaal ku tideen/.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama' ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.