Xiriirka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya Kim iyo Trump kuma filna soo celinta wada hadallada labada dal

0
Sunday January 12, 2020 - 10:19:25 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya Kim iyo Trump kuma filna soo celinta wada hadallada labada dal

    Xiriirka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya Kim iyo Trump kuma filna soo celinta wada hadallada labada dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya Kim iyo Trump kuma filna soo celinta wada hadallada labada dal

Kuuriyada Waqooyi ayaa farriin hambalyo dhalasho ah ka heshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taasoo ku socota Kim Jong-un, balse waxay sheegtay in xiriirka shakhsiyadeed ee labadooda u dhaxeeya aysan ku filneyn dib u soo celinta wada xaajoodyada nukliyeerka.

Mr Kim ayaa laga yaabaa in shakhsi ahaan uusan necbeyn Mr Trump, balse dalkiisa kuma hoggaamin karo siduu isagu rabo, waxaa sidaa yiri Kim Kye Gwan oo la taliye u ah wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Wuxuu sheegay inaysan suurto gal ahayn wada hadallo, ilaa uu Mareykanku ka aqbalo dalabaadka Kuuriyada Waqooyi.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay.

Mr Kim iyo Mr Trump ayaa wada hadallo weji ka weji ah yeeshay sanadkii 2018 iyo sanadkii hore, kuwaasoo looga gol lahaa in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda hukliyeerka, balse wada xaajoodyada ayaa hakad galay iyadoo Mareykanku uu diiday inuu cunaqabateynta ka qaado ilaa ay Kuuriyada Waqooyi si buuxda u joojiso hubka nukliyeerka.

Warsaxaafadeed lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA, ayuu Mr Kye, oo ah diblomaasi sare ku sheegay in Pyongyang aysan ku joojineyn hubkeeda nukliyeerka iyadoo ku beddelaneysa in si aan dhammeystirneyn looga qaado cunaqabateynta.

La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jiri doonin "wada xaajoodyo la mid ah kuwii ka dhacay Vietnam" - isagoo kala jeeda kulankii labaad ee ee Trump iyo Kim markaas oo ay Kuuriyada Waqooyi soo jeedisay inay burburiso xarunteeda nukliyeerka ee Yongbyon iyadoo ku beddelaneysa in laga qaado dhammaan cunaqabateynta saaran. Wada hadalladii sanadkii 2019, ayaa fashilmay kaddib markii uu Mareykanku diiday inuu cunaqabateynta ka qaado.

Horraantii bishan, Mr Kim ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ka baxayso heshiiskaas isla markaana ay soo saareyso hub casri ah. Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkaas ay ku xirnaan doontop sida uu Mareykanku u dhaqmo.

Waqooyiga ayaa tijaabooyin yar fulisay dhammaadkii sanadkii 2019, taasoo loo arkay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka inuu aqbalo dalabkeeda.

Mr Kye ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dalkaasi uu farriin shakhsiyadeed hambalyo dhalasho ah ka helay Trump, kuna socota sanad-guurada dhalashada Mr Kim oo la rumeysan yahay inay ku beegneyd 8-dii January, balse wuxuu sheegay inaysan caqli gal ahayn in la fisho soo celinta xiriirka labada dal.