Xaalada Madaarka Hargeysa Oo Meelxun-maraysa, Werwerka Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Aamuska Xukumadda Madaxweyne Biixi

0
Monday January 13, 2020 - 12:24:20 in by salman abdi
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Madaarka Hargeysa Oo Meelxun-maraysa, Werwerka Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Aamuska Xukumadda Madaxweyne Biixi

    Xaalada Madaarka Hargeysa Oo Meelxun-maraysa, Werwerka Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Aamuska Xukumadda Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Madaarka Hargeysa Oo Meelxun-maraysa, Werwerka Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Aamuska Xukumadda Madaxweyne Biixi Madaarka Hargeisa oo labadii cisho ee u dambeeyay xanibaadi ku timi Diyaaradihii kala duwanaa ee iman jiray, iyada oo si caadi ah diyaaraduhu uga gooshaan, Magaalooyinka jaarka la ah Hargeysa , sida Muqdisho, Jigjiga, iyo Jabuuti, kuwaas oo ay wadaagaan isbedelka cilamada ee malmahan jira. Dadweyne u safraya wadamo kala duwan oo aad u badan ayaa tuban gudaha Madaarka Hargeysa iyaga oo aan wax rajo ah haynin, sidaas oo tahay Madaarka Egal international airport,
 waxaa hagaajintiisa ku baxay lacag gaadhaysa dhawr malyan oo Dolar sida la sheegay, taas oo hadii si fiican loo maamuli lahaa aan maanta kaynteen in Diyaaraduhu isku halayn waayaan Madaarka, taasina waa ceeb dul hoganaysa Maamuladii kala duwan ee yimi tan iyo intii Xisbiga Kulmiye talada wadanka hayay, 
madama oo Madaarka lacagta intaas leeg ee uu saxeexay Madaxweyne Daahir Rayaale, fulinteedana lahaa Madaxweyne Silaanyo. Xukuumada Muuse ayaan ilaa hada aan ka hadal xanibaata haysata dadweynaya ka duulaaya Hargeysa, iyada oo dadka qaar safar dhulka ah maray kana duulay Magaalada Jigjiga, iyada oo Xukuumada haatan talada haysaa aan wax warbixin ah la wadaagin bulshada sida xaalku noqon karo, hadii cimiladu sidan sii ahaato malmaha soo socda, taas oo runtii ah rajo xumo haysa bulshada safrayay oo duruufo iyo dano kala duwank ku xeeran yahay safarkooda.