Ciidamada Dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose

0
Monday January 13, 2020 - 16:36:23 in by salman abdi
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose

    Ciidamada Dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ah saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab.

 

 

Deegaanka Tooratooroow saldhiggii ugu weynaa ee Ururka Al-shabaab iyo xaruntii ugu weyneyn ee Maxkamadaha dadka lagu kala saaro ee laga aadi jiray dhulka ay dowladdu maamusho..

 

Ciidamada la wareegay deegaankan Tooratooroow ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Guutada Danab ee ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar dhabgal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan la wareegida ciidamada dowladda ee saldhiggoodii ugu weynaa marka la eego guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.