Hordhaca El Clasico: Maxaa Kala Heysta Caawa Real Madrid v Barcelona?

0
Saturday October 25, 2014 - 18:16:09 in by Burco Office
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca El Clasico: Maxaa Kala Heysta Caawa Real Madrid v Barcelona?

    Kulanka maanta ee El Clasico waa kulankii 229aad ee tartan rasmi ah ee u dhaxeeya labada kooxood tartamada oo dhan, iyadoo Real Madrid ay hogaanka heyso iyagoo badiyay 91 kulan marka loo fiiriyo Barcelona oo badisay 89 kulan halka 48 kulan ay barbaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka maanta ee El Clasico waa kulankii 229aad ee tartan rasmi ah ee u dhaxeeya labada kooxood tartamada oo dhan, iyadoo Real Madrid ay hogaanka heyso iyagoo badiyay 91 kulan marka loo fiiriyo Barcelona oo badisay 89 kulan halka 48 kulan ay barbaro galeen.


Kulanka:Real Madrid v Barcelona

Garoonka:Santiago Bernabeu

Waqtiga:7pm Saacada Geeska Afrika.

Real Madrid oo ka horimaaneysa Barcelona marnaba ma ahan kulan caadi ah, waxyaabaha hareer socda iyo tayada labada kooxood ayaana ka dhigaya kulanka Bernabeu ee maanta mid ka mid ah kulamada ugu waa weyn caalamka, hadiiba uusan aheyn kulanka ugu weyn.

.

Si kastaba, Barcelona ayaa ku riyaaqday kulamadii ugu danbeysay ee horyaalka iyagoo badiyay sideed ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga ee ay kulmeen labadaan kooxood oo ay ku jirto xilli ciyaareedkii hore oo ay minan iyo marti ka badiyeen.

Guushii ugu weyneyd ee kulankaan El Clasico abid laga gaaro waa 11-1 oo ay Real Madrid kulan koob maxali ah kaga badisay Barcelona sannadii 1943dii, laakiin taariikhyahanada inta badan ma soo qaataan kulankaan madaama la sheego in Jeneraalkii ciidamada Franco oo ahaa nin la jiray Madrid uu u hanjabay ciyaartoyda Barcelona ee gobolka Catalunya.

Dhawaanse, Barcelona ayaa 5-0 ku xaaqday Real Madrid kulan ka dhacay Nou Camp bishii November 2010, waxaana ay aheyd kulankii ugu horeysay ee Clasico ee uu macalinkii Madrid Jose Mourinho.

Ilaa sideed waji oo cusub ayaa ka soo muuqan kara kulanka caawa ee El Clasico, Luis Suarez, Bravo, Mathieu, iyo Rakitic ayaa ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ee laga yaabo inay markii ugu horeysay ciyaaraan, dhanka Madrid Kroos iyo James Rodriguez ayay iygana u nqooneysaa markii ugu horeysay ee ay qibrad u yeeshaan kulankaan halka Chicharito ay isna hubaal tahay inuu wax uun ka dhadhamin doono kulankaan.

Tababare Luis Enrique ayaana ku laabanaya garoonka kooxdiisa hore waana kulankiiisii ugu horeysay ee El Clasico ee isagoo tababare u ah Barcelona.

MAXAA KA CUSUB?

 

Tababaraha Barcelona Luis Enrique ayaa sheegaya in xiddiga reer Uruguay Luis Suarez inuu ciyaari doono kulankiisii ugu horeysay ee kooxda kulanka caawa fiidkii ee El Clasico ee ay ka horimaanayaan kooxda Real Madrid.

Weeraryahankii hore ee Liverpool ayaa diyaar ah ka dib markii uu soo dhameystay afar bilood oo uu ka ganaaxnaa ciyaaraha tartamada rasmiga ah madaama uu bishii June qaniinay Giorgio Chiellini.

"Waa hubaal daqiiqado waa uu ka ciyaari doonaa kulankaan, laakiin ilaa iyo inta daqiiqo ee uu ciyaarayo ayaa ah su’aal weyn.” ayuu yiri Enrique.

Ancelotti ayaa isna waxaa ka maqnaan doonaa Gareth Bale kaasoo dhaawac uu ka soo gaaray muruqa bowdada.

Xiddiga reer Wales oo 25 sanno jir ah ayaa seegay kulankii ay kooxdiisa ka badisay Liverpool ee Champions League.

Ancelotti ayaa sheegay in Bale uu muruqa dhaawac ka soo gaaray isagoo kubad darbeynaya waqtigii tababarka ee isbuucii hore.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid (4-4-2): Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Rodriguez, Modric, Kroos, Isco; Benzema, Ronaldo

Barcelona (4-3-3): Bravo; Alves, Mascherano, Mathieu, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Suarez, Messi, Neymar.

MA OGTAHAY?

  • Lionel Messi ayaa caawa jabin kara ama barbareyn kara rikoorka abid ee gooldhalinta La Liga isagoo haatan leh 250 gool, waxaana uu hal gool ka hooseeyaa ninka rikoorkaas in muddo ah soo hayay Telmo Zarra oo leh 251 gool.
  • Cristinao Ronaldo ayaa isna raadinaya inuu jabiyo rikoorka seddexleydii ugu badneyd ee laga dhaliyo La Liga, waxa ay haatan rikoorkaas isla hayaan Alfredo di Stefano iyo Telmo Zarra iyagoo wada dhaliyay 22 seddexleey.
  • Goolhayaha Barcelona ayaan shabaqa laga soo taabanin 720 daqiiqadood oo uu ciyaaray horyaalka La Liga, waxaana uu doonayaa inuu jabiyo rikoorka daqiiqadaha ugu badan ee shabaqa la ilaashado horyaalka La Liga.