Turkiga oo si kuluul uga hadlay qaraxii Afgooye

0
Sunday January 19, 2020 - 12:48:54 in by salman abdi
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo si kuluul uga hadlay qaraxii Afgooye

    Turkiga oo si kuluul uga hadlay qaraxii Afgooye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga oo si kuluul uga hadlay qaraxii Afgooye

Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Gaashaandhigga Turkiga ayaa ka hadlay Weerar is-miidaamin qarax ahaa oo ka dhacay kontrol u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, kaasoo ay ku dhaawacmeen 6 qof oo isugu jiray shaqaale iyo Injineero Turki ah oo dhisme ka waday wado isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

"Waxaan mar waliba garab taagnaan doonnaa walaallaheen Soomaaliyeed. waxaan cambaareynayaa weerarka argagixisada, anigoo u rajeynaya dadka ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah. Waxaan si dhow ula soconaa xaaladdaayuu farriintiisa ku yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga.

Dhinaca kale wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta ka dhacay Afgooye, wuxuuna sheegay in weerarka lagu dhaawacay muwaadiniin Turki ah. "Turkiga wuxuu sii wadi doonaa inuu garab istaagga wallaalahood Soomaaliya ee dagaalka kula jira argagixisada..” ayuu yiri wasiirka difaaca Turkiga oo intaas ku daray in Turkiga aanay falalkaasi argagixiso ka reebi doonin taageerada Somaaliya.


Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa isna hore us heegay in lix Turki ah ay ku dhaawacmeen qaraxa oo laba kamida ay xaaladoodu culus tahay, wuxuuna dib u xaqiijiyey taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Al-shabaab aya sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ahaa is-miidaamin, wuxuuna ahaa weerarkii labaad ee xoog leh oo lala beegsado shaqaalaha Turkiga ee dhisaya jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyadoo laba qof oo Turki ah ay ku dhinteen qaraxii weynaa ee Ex. Kontrol Afgooye.