Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo kulankoodii ugu horreeyay yeelanaya

0
Sunday January 19, 2020 - 12:52:32 in by salman abdi
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo kulankoodii ugu horreeyay yeelanaya

    Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo kulankoodii ugu horreeyay yeelanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo kulankoodii ugu horreeyay yeelanaya

Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeelanaya xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Galmudug.

 

 

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoonka cusub ee dhawaan la doortay waxaana la filayaa in kulanka maanta looga dhawaaqo Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug

 

Tan iyo markii la doortay guddoonka cusub waxaa Dhuusa-Mareeb ka soconayay kulamo kala duwan ay lahaayeen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo Guddoonka iyaga oo ka wada hadalay sidii ay doorashada madaxweynaha oo musharixiinta qaarkood ay walwal ka muujinayaan fara-galin lagu sameeyo.

 

Musharixiinta qaar ayaa sheegay in la siiyo fursad xildhibaannada ay ku arki karaan si markaa ay uga gadaan aragtidooda siyaasadeed ka hor inta aan doorashada la qaban.