Gudaha:-Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

0
Wednesday January 22, 2020 - 16:58:09 in by salman abdi
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

    Gudaha:-Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya
Hoggaanka Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID waxa ay maanta hadhimo sharafeed la qaateen Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Mette Knudsen iyo Kuxigeenka Safiiradda Amb Nina Berg, kulankan oo ay labada Xisbi iyo Safiiraddu kaga wada hadleen dedaaladda loogu jiro qabsoomidda Doorashooyinka is barkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa muranka Komishinka ee hadda taagan.

Hoggaanka labada Xisbi Mucaarad iyo Safiirradu waxa uu socday kulankoodu dhowr saacadood, iyaga oo isla meel dhigay baahida loo qabo in la helo golayaal aan muddo dhaaf ahayn, ugu dambeyn Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka iyo Safiirradu sida oo kale waxa ay ka wada hadleen guud ahaan xadhiga sii badanaya ee Siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta lagu beegsanayo oo dhaawac weyn ku ah xorriyadda hadalka iyo dimuqraadiyadda dalka Somaliland.