Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo Howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb

0
Thursday January 23, 2020 - 12:31:10 in by salman abdi
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo Howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb

    Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo Howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo Howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo sida uu hadalka u dhigay howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galguduud.

 

 

Isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya fara-galin ba'an ku heyso doorashada Galmudug isaga oo ku eedeeyay in ay badashay Odayaashii saxiixayaasha.

 

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay hoggaanka Ahlu Sunna musharixiinta Madaxweynaha iyo waxgaradka deegaannada Galmuudg in ay howlaha doorashooyinka uga dambeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhinaca kale ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed in wixii cawaaqib ah ee ka dhasha howlaha doorasho ee ka socda Dhuusa-mareeb ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.