Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug
Waxaa Goor dhaw lagu soo gabagabeeyay degmada Dhuusa-Mareeb doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.
Axmed Cabdullaah Samaatar oo ahaa musharixii ugu soo dhawaan ayaa helay 9 cod oo kaliya halka labada musharax kale ee soo haray ay kala hellaan mid hal cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor
Doorashadan oo siweyn isha loogu hayay ayaa waxaa hareeyay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda Ahlu Sunna Waljameeca oo dhinacooda madaxweyne toddobaadkii hore u doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.
Sidoo kale xildhibaannada ayaa guda -gali doona doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug
Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug