Gabay-gan Facebook oo 4 sano ka hor uu Tiriyaay Aqoonyahan Jamala Cali Xuseen ayaa noqday mid aan Laga Xiiso dhicin Akhriiskiisa

0
Thursday March 06, 2014 - 21:57:12 in by Holland Office
  • Visits: 4564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gabay-gan Facebook oo 4 sano ka hor uu Tiriyaay Aqoonyahan Jamala Cali Xuseen ayaa noqday mid aan Laga Xiiso dhicin Akhriiskiisa

    Gabaygan Waxa la tiriyey 20 Feb 2011 Waxana tiriyey: Aqoonyahan:Jamaal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan Waxa la tiriyey 20 Feb 2011 Waxana tiriyey: Aqoonyahan:Jamaal Cali Xuseen
  1. Foosiyoow su’aal gabay beryaan, sooma aan furine
  2. Maan soo fadh-fadhin maansooyinki, faraha weeynaaye,
  3. Caawaanse rasaas aan faraqiyo, face-ka book geliye
  4. Falaadkii casriyadan haddaan, dib uga faalloodo,
  5. Ilaahay noolihii farsamo, talo ku fiicneeye,
  6. Marka Facebook farriin lagu diree, laysku wada foodhyo,
  7. Ninkasta halkuu fiirin markuu, faraqa soo xayto,
  8. Waa mirqaan Fuluus ka roonoo, lagu fayaamaaye,
  9. Fasahaad hadday gaadho se waa, fawdo ololayse,
  10. Caqligu hadduu kaa fooraro, waa fadqalalayne,
  11. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
  12. Adduunyadan Facebook cusubi, hawsha fududeeyay,
  13. Adduunyadan fogaatee Finger, laguba faa’iidey,
  14. Adoo gurigaa fadhiya baad, faallo soo bixine,
  15. Qolooyin kaa fog baad muran, farafarayn qodiye,
  16. Waagii Fardaha la watiyoo, Farowyadii geela
  17. Facebook baa badeliyo ninyow, farsamooyin kale e,
  18. Warar fresh ah iyo baad ka bogan, faallo iyo nuure
  19. Waa goob family iyo asxaab, faraha yaabtaaye,
  20. Waa goob friends laga dhergiyo, sawiro fiic- fiican,
  21. Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
  22. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
  23. Darbay fajeciso la tahay haddaad, Faceka garanayne,
  24. Ma fayoobay ku odhan ruux hadduu, furanin facebooke,
  25. Darbaa fulaan iyo la bixi, magacyo fookeeysan,
  26. Darbaa fidmo Facebook u yihiyo, Faranji hawshiise,
  27. Dadbaa fadhiisin ka dhigtiyo, filimo dhaadheere,
  28. Darbaa feedh facebook u galiyo, faashka qabadsiiye,
  29. Darbaa magacyo false ah gashtiyo, sawiro faambaayr (Vampire)
  30. Ragbaa fadalka tuurayoo, fiiqa sare joogge,
  31. Dadbaa Faransiis ka akhriya, boggaga Facebooke,
  32. Ha yeeshee darbaa murti fataha, fikirka suugaante
  33. Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
  34. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
  35. Maxaa profile la fidiyeyiyo, doodo lagu foofay,
  36. Maxaa gidaaro "Fans” eegaya, fasaxyo dhiibaaya,
  37. Maxaa footo aan la rabin iyo, magacyo faanaaya,
  38. Maxaa mid gabadh faduuliyey, haawlo fulinayaa,
  39. Maxaa hanad tacliinliyo fannaan, feker ka yeedhaaya,
  40. Maxaa nin ragoo fariid is biday, farda-fardeeynaaya,
  41. Maxaa Filoosafar iyo Farshaxan,"Fish and Chips” joogta,
  42. Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciideeyse,
  43. Waa mirqaan Fuluus ka roonoo, lagu fayaamaaye,
  44. Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
  45. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,

  46. Maxaa future gabadh la hiigsado, faraqa jiidaysa,
  47. Maxaa googaa i fahantiyo, faqu qadhaadhaadey,
  48. Maxaa gabadh fariidoo dal jecel, erey ku feygaartay,
  49. Maxaa sawiro faanniyo hanbalyo, faallo ku idlaatay,
  50. Maxaa faataxo diin iyo culeys, falsafad yeedhaaya,
  51. Maxaa dhallinyaro faa’iido li’iyo,, ficilo ii yeedhaay,
  52. Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
  53. Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
  54. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
  55. Markaad fajac Facebook gashee, furato geestaada,
  56. Farriimihii wacnaa baad akhriyi, farabadnaantoode,
  57. Waa dhallinyaro fayooboo, firixda kaa keeni,
  58. Saaxiibbo fog-fogiyo darbaad, faallo kula tiigsan,
  59. Ha yeeshee sawiro la fahminoo, foorar kugu beera,
  60. Gidaarkaaga lagu fakh siin, fasax la’aaniiye,
  61. Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
  62. Huu huu iyo fuu fuu marna, uguma feesteeyne,
  63. Farsamadaa yaabka ahi waa, xaal aan fududeyne,
  64. Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
  65. Waa goob friends laga dhergiyo, sawiro fiic-fiican,
  66. Shaah fujaan lagu ilaawana, Faceka ka wareeyso,
  67. Fudeyd iyo xumaan kuma arag, ficilo qaarkoodna,
  68. Marbuuse fashilaad yahay iyo, gole ka fuulkaase,
  69. Waa fagaare nin ragii fahmaa, nacas fiririqdiise,
  70. Waa sida nin faras fuushanoo, jihaba aan fiirin,
  71. Aaladaa Facekiyo sheekadaa, fadh-fadheeyntaasi,
  72. Armey farsamadaa cusbi degtaa, fule xantii mooge    

Gabaygan Waxa Tiriyaay :Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen 
Waxanu tiriyey 20 Feb 2011