Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed'' Dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay

0
Tuesday February 11, 2020 - 16:27:19 in by salman abdi
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed'' Dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay

    Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed'' Dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed'' Dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Amnigiisa sida uu hadalka u dhigay lagu soo duulay.

 

 

''Waxaad moodaa in hadda Amniga dalka lagu soo duulay, Ama xuduudda halaga soo galo, ama diyaarado halagu yimaadee dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay, Amniga dalka meel xunbuu marayaa,kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasishoā€¯ayuu yiri Jen. Xijaar

 

Wuxuu sheegay in muhiimad gaar ah leedahay in wada shaqeyn joogta ah ay dhaxmarto Booliiska Soomaaliyeed iyo hay'adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, madaama kulanka uu hadalkan ka jeedinayay uu ku saabsanaa sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dhinac.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la qarxiyay Injineeradii la dalka la keenay, isla markaana ka qeyb qaadanayay dhismaha Wadooyinka, isagoona xusay in aan la rabin in dalka uu galo horumar.

magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxayo, waxaana Qaraxyadaas qaarkood lagu dilay Injineero iyo Shaqaalo Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.