Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

0
Thursday February 13, 2020 - 09:16:14 in by salman abdi
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

    Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dib u bilaawday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya.

 

 

 

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kaddib markii ay korortay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabaan hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda.

 

Afhayeen u hadlay safaaradda oo lagu magacaaboRyan Grizzle ayaa yiri"Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.”

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo gargaarka ciidanka.