Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

0
Sunday February 16, 2020 - 16:46:11 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

    Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay tiro kale oo intaa ka badanna waaa ay ku dhaawacmeen Qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen oo marayay xaafadda Xoosh degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

 

 

Gaariga ay la socdeen ciidamada oo ahaa nooca dagaalka ayaa ayaa la sheegay in miinada ay ku qaraxday xili uu marayay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley.

 

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ku fidiyay ciidamada kale ee waxyeeladu ka soo gaartay.

Ururka Al-shabaab ayaa war ay soo daabaceen bogagga Internetka waxaa ay ku sheegteen mas'uuliyada Qaraxa ka dhacay degmada Dherkeenley.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxan.