Dowladda oo soo bandhigtay sarkaal ka soo goostay Ururka Al-shabaab

0
Monday February 17, 2020 - 12:30:45 in by salman abdi
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo soo bandhigtay sarkaal ka soo goostay Ururka Al-shabaab

    Dowladda oo soo bandhigtay sarkaal ka soo goostay Ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda oo soo bandhigtay sarkaal ka soo goostay Ururka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Xudur ee gobolka Bakool ku soo bandhigtay sarkaal muddo ka badan 11 sano ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Colaad Cabdiraxmaan Xiroow.

 

 

Sarkaalkan ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool isaga oo sheegay in muddo 11 sano ah uu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

 

Sarkaalkan ayaa sheegtay in uu howsha uu u qaban jiray Al-shabaab aheyd oo kaliya darawalnimo laakiin markii danbe uu goostay in uu isaga soo baxo.

Guddoomiyaha degmada Xudur Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab.

Xudur waxaa ay ka mid tahay ka mid ah deegaano badan oo ay ururka Al-Shabaab go’odoomiyeen mana aha markii ugu horeysay ee sarkaal ka tirsan Al-Shababa uu isu soo dhiibo maamulka Koofurgalbeed.