khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale Oo Isu Bedelay.

0
Saturday February 22, 2020 - 07:50:00 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale Oo Isu Bedelay.

    khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale Oo Isu Bedelay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale Oo Isu Bedelay.

Laba xafladood oo kala duwan ayay kala qabsadeen maamulka Gobolka Togdheer iyo Maamulka degmada Burco.


Xaflad uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo lagu xusaayay Maalintii dhagaxtuurka dhalinyarada UFO ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Gobolka Togdheer.


Image may contain: 4 people, people standing


 

 

isla xalay Xaflad taasi lamida oo uu soo qabanqaabiyay Maayirka Degmada Burco oo ay weheliyaan xogahayaha D. H. B. Iyo xildhibaano kamida Golihiisa ayaa xalay lagu Qabtay Hotel Gollis ee Magaalada Burco.


Xafladaha ay kala qabteen maayirka degmada iyo gudoomiyaha Gobolku midna masoo xaadirin xaflada uu ka kale qabtay, waxaana xusid mudan in xaflada lagu qabtay xarunta Gobolka Togdheer ay ka soo qaybgaleen Gudidada Nabadgelyada Gobolka iyadoo afka dawlada hoose uu ku hadlayay Xildhiban Mubarak Bidhi oo lagu casuumay, halka xafladii xalay uu maayirku qabtay ay ka dhex muuqdeen xoghayaha dawlada hoose iyo xildhibaano badan oo kamida golaha deegaanka Burco, iyo waliba gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf Ubaxle oo halkaas ka hadlay.


Khilaafka ka dhex taagan Labadan masuul ee usareeya Gobolka Togdheer ayaa maraya meel xun oo ubaahan in xal laga gaadho, waxaana

Khilaafkani salka ku hayaa awood qaybsiga maamulka degmada Burco.


Masuuliyiinta kale Gobolka ee ay kamid ahaayeen Gudida nabadgelyada, xildhibaanada Golaha deegaanka. Isuduwayaasha laamaha dawlada ayaa umuqda kuwo lasoo lakala saftay masuuliyiintani balse aanay jirin cid isu xilqaantay xalinta khilaafkani.

Arintani ayaa ubaahan mid aan la dhayalsan oo ubaahan in xal laga gaadho


By: Suxufi Xabiib Cige xasan.