Ciidamada dowladda oo Sheegay In Ay howlgal Ay Ku Dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

0
Saturday February 22, 2020 - 12:57:24 in by salman abdi
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo Sheegay In Ay howlgal Ay Ku Dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

    Ciidamada dowladda oo Sheegay In Ay howlgal Ay Ku Dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda oo Sheegay In Ay howlgal Ay Ku Dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen ciidamada deegaanno hoostaga degmada Balcad ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

 

 
 
Al-shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaanno hoostaga degmada Baclad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyaga oo dhowr jeer oo hore weerarro kala duwan oo ay ka geysteen degmada ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda ayaa ahaa mid qorsheysa sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, iyaga oo intaa ku daray in ay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga saarayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

 

Ma jiro dhinaca kale marka la eego wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al-shabaab oo ay uga hadlayaan howlgalka looga dilay dagaalyahano iyaga ka tirsanaa, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Danida ee hoostaga degmada Balcad.