Madaxweyne Biixi Oo Wasiir Siciid Sulub Ugu Baaqay In Uu U Jawaabo Labada Gudomiye Xisbi Iyo Wasiir Siciid Oo Ka Biyo Diiday.
Madaxweyne Biixi Oo Wasiir Siciid Sulub Ugu Baaqay In Uu U Jawaabo Labada Gudomiye Xisbi Iyo Wasiir Siciid Oo Ka Biyo Diiday. Xukumadda somaliland ayaa ku jahawareersan sidii loogu jawaabi lahaa labada
gudoomiyayaasha xisbi mucaarid waddani iyo Ucid
madaxweyne Muuse ayaa wajahay in u jawaabida labada gudoomiye ay ku haboontahay masuul ay isku beel
yihiin isla markaana uu la hadal hayo in wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Sulub uu u jawaabo, balse wasiir
Siciid ayaa ka biyo diiday arintaasi Muuse iyo wasiir Siciid Sulub ayaa ku kala tagay cadho. Wasiir Siciid Sulub
ayaa ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee waddani markii hogaamiye Muuse soo magacaabay wasiirkasi Balse wasiir Siciid Suluub ayaa ilaa hada aan iska casilin xisbiga waddani waxaana marar badan oo su’aalo laga
waydiyeyna ku jawaabay hawsha aan hayo qarankaan u hayaa una shaqaynayaa. Hogaamiye Muuse ayaa
xukuumadiisa ka dhex baadhaya khaasatan beesha ay ka soo jeedaan labada gudoomiye cidii u jawaabi lahayd.
Iyadoo la filaayo in hogaamiye Muuse kulan uu iskugu yeedho masuuliyiinta beesha garxajis ee ku jirta
xukuumadiisa si jawaab loo siiyo labaad gudoomiye ee xisbiyada ucid iyo waddani