Dawladda Qadar oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheeegat In Ay Gacan Siiso Kooxda Daacish
Saraakiil sare oo ka tirsan dalka Qadar ayaa beeniyay eedeymo sheegayay in dalkaasi uu dhaqaale siiyo
kooxo argagixiso ah oo ka jira gudaha dalka Suuriya sida kooxda Khilaafada Islaamka.
Saraakiishani oo uu ka mid yahay agaasimaha mukhaabaraadka dalkaasi Qadar ayaa sheegay in dalkaasi uu taageero dagaalyahanada qunyar socodka ah, iyaga oo si dhow ula shaqeynaya CIA-da mareykanka iyo laamaha kale ee sirdoonka waddamada reer galbeedka iyo kuwa carabta.
Balse waxa ay saraakiishani muujiyeen in dad hore qunyar socod u ahaa in ay haatan ku biireen kooxaha mayalka adag ee sida daacish oo kale ah sababo la xidhiidha colaadda Suuriya oo mar waliba dhinac isu badaleysa.
Saraakiishani ayaa hadalkani sheegay ka hor booqasho uu usbuucan Britain ku tagi doono hoggaamiyaha dalkaasi Qadar Sheekh Tamim bin Xamad al-Thani.
Contact@afkashacabka.com
Dawladda Qadar oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheeegat In Ay Gacan Siiso Kooxda Daacish
Saraakiil sare oo ka tirsan dalka Qadar ayaa beeniyay eedeymo sheegayay in dalkaasi uu dhaqaale siiyo kooxo argagixiso ah oo ka jira gudaha dalka Suuriya sida kooxda Khilaafada Islaamka.