Dagaalamayaal shisheeye oo ku biiray ururka Daacish ee farriisinka ku leh Puntland

0
Sunday March 01, 2020 - 13:06:28 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalamayaal shisheeye oo ku biiray ururka Daacish ee farriisinka ku leh Puntland

    Dagaalamayaal shisheeye oo ku biiray ururka Daacish ee farriisinka ku leh Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalamayaal shisheeye oo ku biiray ururka Daacish ee farriisinka ku leh Puntland
In ka badan soddon 30 dagaalyahanno ah ayaa ku biiray ururka ISIS ee ku sugan dhulka buuralayda ee gobolka Bari, warbixinnada sirdoonka ayaa daaha ka qaaday, iyadoo shan ka mid ah la rumeysan yahay inay ajnabi yihiin.

 

In ka badan shan sano, ISIS-Soomaaliya waxay dagaal kula jirtay kooxda la tartamaysa ee al-Shabaab. ISIS ayaa qorashada dagaalamayaasha ajaanibta u arkaya inay qayb ka yihiin istiraatiijiyadooda xoojinta sida ay tilmaamayaan warbixinnada sirdoonka.

Saddex dagaalyahan oo ka socda Yemen iyo laba kale oo ka yimid Ciraaq, ayaa lagu arkay xerada tababarka IS ee lagu magacaabo Al-Qurayshi, taasoo kutaala dhulka buuralayda ee gobolka Bari (Puntland)

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegaya in kooxdu ay ku qasbantahay in ay dagaalyahanadeeda u dirto koonfurta Soomaaliya, oo ah gobol ay si weyn gacanta ugu hayaan kooxda la tartamaysa ee Al-Shabaab, sida uu qoray Cabdiqani Xasan, oo ah weriyaha Reuters ee Puntland.

Toddobaad ka hor, dagaalyahan IS-Somalia waxaa lagu arkayay iyagoo tababar culus ku sameynayay gudaha Puntland, taasoo sii kicineysa dareenka ciidamada amniga dowlad-goboleed nabdoon ee Puntland.

Ma cadda sida dagaalyahannada shisheeye ay gudaha ugu soo galeen dalka, laakiin duullaanka qorsheysan ee Koonfurta Soomaaliya ka socda ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho dhadhaqaaqa mintidiinta, marka loo eego hawlgallada degdegga ah ee ciidamada XDS iyo kuwa Mareykanka ay ka wadaan gobolka.