Madaxweyne Trump Oo La Kulmaya Dhaleeceyn La Xidhiidha Socdaalka Uu Ku Tagay Dalka Hindiya

0
Monday March 02, 2020 - 10:59:25 in by salman abdi
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump Oo La Kulmaya Dhaleeceyn La Xidhiidha Socdaalka Uu Ku Tagay Dalka Hindiya

    Madaxweyne Trump Oo La Kulmaya Dhaleeceyn La Xidhiidha Socdaalka Uu Ku Tagay Dalka Hindiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump Oo La Kulmaya Dhaleeceyn La Xidhiidha Socdaalka Uu Ku Tagay Dalka Hindiya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo maalmo ka hor booqasho ku tagay caasimada hindiya ee Delhi iyo magaalada Taj Mahal ee ismaamulka Uttar Pradesh, ayaa la kulmaya dhaleeceyn xooggan oo la xidhiidha Safarkiisa.

Mr Trump ayaa dad ku dhow 100,000 oo Hindi ah kula kulmay garoonka ugu weyn dunida ee lagu cayaaro cayaarta cricket-ka ismaamulka Gujarat.

Socdaalka ayaa waxaa ku wehlinayay Raysal wasaare Narendra Modi oo ka soo jeeda Gobolka.

Balse eedaha loo jeedinayo Trump ayaa waxaa ugu weyn in aanu la kulmin malaayiinta carruurta ah ee u dhashay Hindiya.

Dalkaan oo ka mid ah wadamada safka hore kaga jira dalalka ugu shacbiyada badan caalamka ayaa carruurta ku nool waxa ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhanka nolosha.


Hooyooyin badan ayaa iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn iyaga oo wata carruur badan, iyagoo ballan-qaadyo la xidhiidha daryeelka carruurta ka rajeynayay madaxweyne Donald Trump.