"Weligeen shisheeye inama soo faro gelin, inaga wax walba qabsanay, Tiibay inamada 10ka sanno mudo dhaafka ku joogay ina leyihin .."Boobe Yusuf

0
Tuesday October 28, 2014 - 09:09:12 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Weligeen shisheeye inama soo faro gelin, inaga wax walba qabsanay, Tiibay inamada 10ka sanno mudo dhaafka ku joogay ina leyihin .."Boobe Yusuf

    Mujaahid Boobe oo ka dareen celiyey Baaqi xildhibanada codsaday in caalamku u soo gurmado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Boobe oo ka dareen celiyey Baaqi xildhibanada codsaday in caalamku u soo gurmado


Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka talo-bixiyey xalka ugu dhaw ee khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Mucaaradka iyo Muxaafidka ee Golaha Wakiillada, isla markaana waxa uu sheegay inaanay Caqliga Shacabka iyo Bulshada soo dooratay caayin ee ay si caadi u saxaan waxa ay isku hayaan.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay waxa salka u ah khilaafka sida ay ku doodayaan Mudanayaasha Xukuumadda taageeraa inuu yahay inay ku doodayaan Xeerka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u gudbiyey Golaha Guurtida ee diiwaangelinta inaanu ahayn kii ay aqlabiyadda ku ansixiyeen Xildhibaannada Wakiilladu ee uu yahay mid uu qodobbo dheeraad ah oo aan ka la ansixiyey ku jirin, haddii ay sidaa tahay-na ay arrintu wax dhaw oo in labada Nuqul ee midna Guurtida loo gudbiyey midna ka ay haystaan ee ay leeyihiin waa kii la ansixiyey in la isu eego, ka dibna la isla qiro halka wax ka qaldameen.


Mujaahid, Boobe Yusuf Ducale oo daba socday baaq ay xildhibaanno ka mid ah xisbiga WADDANI ay beesha caalamka kaga dalbanayeen in ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya joogaa ay Somaliland soo faro-geliyaan ayaa sheegay inaan ummada xaq loogu lahayn arrimaha noocaasi oo kale, maadaama oo Somaliland halkaasi ku soo gaadhey dedaalka dadkeeda isla-markaana aanay shisheeye hore u soo faro-gelin.


Boobe oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa yidhi "Qaarkood waxay ku dhawaaqeen (Xildhibaannada WADDANI) shisheeye hana soo faro-geliyo, waligeenna Shisheeye innama soo faro-gelin, Maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dawladihii ugu awoodda badnaa ayaa dagaal hubeysan oo dadweyne lagala hor-tagey oo lagaga Guuleystay” Ayu  yidhi


Mujaahid Boobe oo sii hadlaya ayaa sheegay "Waynu heshiinay, nabadeyn ayaynu galney, dib u heshiisiin ayaynu galnay, hub ka dhigis ayaynu galney, ciidamo ayaynu dhisanay, Baarlamaan ayaynu dhisaney, Isgaadhsiin ayaynu dhisanay oo wax walba waynu dhisanay, dibad la inooguma iman ee innagaa dhisanay, tiibaa innamadan muddo dhaafka ah ee tobanka sanadood meesha joogay innagu leeyihiin (shisheeye ha na soo faro-geliyo)…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Markaa waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay wacyigooda kiciyaan oo ay dareensanaadaan waxa waddanka ka socda” Ayu yidhi 




Contact@afkashacabka.com