'Ma aniga ayaad igu qufacday?' Dhibaatadii kala qabsatay rakaabkii tareenka

0
Tuesday March 10, 2020 - 08:55:26 in by salman abdi
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Ma aniga ayaad igu qufacday?' Dhibaatadii kala qabsatay rakaabkii tareenka

    'Ma aniga ayaad igu qufacday?' Dhibaatadii kala qabsatay rakaabkii tareenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'Ma aniga ayaad igu qufacday?' Dhibaatadii kala qabsatay rakaabkii tareenka

Cabsida laga qabo Caabuqa Corona ayaa sii xoogeysaneysa xilli uu cudurkan cusub si deg deg ah ugu sii faafayo waddamo badan oo ka tirsan dunida.

Magaalada Sydney ee dalka Australia, haweeney qufacday iyadoo Tareen saaran ayaa muran xoogan la gashay nin kale oo rakaabka ka mid ahaa, muuqaal laga duubay ayaana si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalkaas.

Andy Park oo ka tirsan warbaahinta Australia ee ABC ayaa fadhiyay meel u dhow labadan qof marka ay murankooda billaabayeen, waxaana u suurta gashay inuu muuqaal gaaban ka duubo.

Sida laga arkayo muuqaalka, haweeneyda ayaa qufacday.

Kaddibna murankan ayaa xigay.

Ninka:Miyaad igu qufacday?

Haweeneyda:Afkeyga ma aanan furin marka aan qufacayay, gudaha ayaan ka qufacay.

Ninka:Waxaaga waa yaqyaqsi.

Haweeneyda:Haa, adigaba yaqyaqsi ayaa tahay.

.
Image captionDadka reer Australia ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay u adeeganayay si aysan guryahooda uga soo bixin

Kaddib haweeneydii ayaa mar kale u qufacday ninka xaggiisa.

Ninka:Ma kaa dhab baa? oo ma aniga ayaad igu qufacday?

Haweeneyda:Haa. Waxaad tahay qof dadka micna darro u dhibaateeya.

Ninka:Dhibaato aa? Si akhlaaq leh ayaan kaaga codsaday inaad afkaaga daboosho.

Haweeneyda:Haa anigana waxaan ku dhahay afkeyga ma furin markii aan qufacayay, waxba ma maqashid miyaa?

Ninka:Ma dhakhtarad ayaa tahay

Haweeneyda:Ma adiga ayaa ah, yaah?

Ninka:Taladii ay dowladda soo jeedisay waxay ahay....

Haweeneyda:Iga aamus.. aamus xir afkaaga.

Kumannaan qof ayaa muuqaalkan iskula wadaagay baraha bulshada, halka warbaahinta caalamiga ahna ay si weyn u hadal hayaan.

Kiisaska cusub ee Caabuqa Corona ayaa kusii kordhayay Australia isbuucyadii lasoo dhaafay, ilaa haddana waxaa dalkaas laga soo tabiyay 80 qof oo uu ku dhacay, halka saddex ruux ay u geeriyoodeen.