Masuul katirsan Puntland oo caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0
Monday March 23, 2020 - 06:40:35 in by salman abdi
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul katirsan Puntland oo caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

    Masuul katirsan Puntland oo caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul katirsan Puntland oo caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dhallinayarda firfircoon ee ka shaqeyn jiray horumarka iyo isdhexgalka dhalinyarada gobolka Mudug. sidoo kale wuxuu ahaa ganacsade.

Markii ugu dambeysay ee uu kasoo muuqdo warbaahinta waxay ahayd afartii bishii February ee sanadkaan, isagoo xilligaas laga duubayay muuqaal uu kaga hadlayay shahaadooyinkii laga xanibay ardayda Puntland ee markii dambe la fasaxay.

Magaalada Gaalkacyo kuma cusba dilalka caynkaan oo kale ah. Bishii labaad ee isla sanadkaan, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, oo ahaa nabaddoon iyo guddoomiye xaafad katirsan waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dilalka caynkaan ah waxaa inta badan sheegta ururka Alshabaab.