Ra'isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday

0
Monday March 30, 2020 - 09:24:53 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday

    Ra'isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday

Ra'isal wasaare dalka Hindiya Narendra Modi ayaa cafis ka dalbaday shacabka dalkiisa kaddib marki dalkaasi xayiraadda lagu soo rogay ay saameysay malaayin shacab ah.

Dowladda Hindiyana waxaa dhinacyo badan uga imanaya dhaleeceyn ku aaddan iney xukumadda Delhi iyada oo aan qorsha dajisan ay xayiraad dalka ku soo soo rogtay.

Mr Modi oo farriintiisa toddobaadlaha shacabka dalkaasi u jeediyey ayaa raalli gelin ka bixiyey saameynta xayiraadda ay shacabka dalkaasi u geystay.

Isaga oo sheegay inuu dalka Hindiya uu geeri iyo noolal u dhaxeeyo lana jooga xilligi dalkaasi la samata bixin lahaa.

Ku dhawaad 1.3 billion oo qof oo ku nool dalkaasi Hindiya ayey shaqa la'aan iyo gaajo soo foodsartay xayiraaddaasi awgeed.

Tobannaan kun oo qoxooti ah oo dalkaasi ku nool waxay ku qasbanaadeen iney magalooyinka lug kaga baxaan magaalooyinka oo ay tuulooyinka dib ugu noqdaan.

Boqollaal kun oo qof oo ay shaqa la'aan ku soo foodsaartay dalka HindiyaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBoqollaal kun oo qof oo ay shaqa la'aan ku soo foodsaartay dalka Hindiya

Wuxuuna Ra'isal wasaaruhu uu ku nuuxnuxsaday iney jirin waddo kale oo u furan dalka Hindiya oo aan ka ahayn in dalka xatiraad lagu soo rogo.

Gaar ahaanna waxaan si gaar ah cafis uga dalbanayaa walaalaha saboolka ah ee dalka Hindiya" ayuu yiri Modi.

"Waana ogahay dad badan oo guriyahooda ku sugan iney ii careysan yihiin maadaamaa aan wax badan ka xayiray."

"Waana ogahay waxa ay dareemayaan balse ma jirto wadda kale oo lagula dagaallami karo Coronavirus, dalka Hindiya wuxuu ku jiraa xilli uu u dhaxeeyo geeri iyo noolal oo loo baahan yahay in la samata bixiyo."

Mid ka mid ah shaqaalaha xoogsatada ah oo damcay inuu lug ku jaro masaafo dhan 270 km si uu ugu laabto tuuladi uu ka yimid balse dhexda ayuu ku geeriyooday.

Dowladda Hindiya waxay talaadadi shaaca ka qaadday iney qoondeysay miisaaniyad ka badan $22 balyan oo doolar oo wax looga qabanaya dadka saboolka ah ee ku nool dalka Hindiya.

Dalka Hindiya waxaa cudurka laga helay 1,000 qof iyada oo 25 qof cudurkaasi u dhinteen.