Afar qof oo laga fasaxayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

0
Tuesday March 31, 2020 - 09:04:41 in by salman abdi
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar qof oo laga fasaxayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

    Afar qof oo laga fasaxayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar qof oo laga fasaxayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku talisay in la fasaxo afar qof oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay inuu ku dhacay coronavirus, kaddib markii ay wasaaradda Caafimaadku sheegtay in baaritaanno lagu sameeyay looga waayay cudurka.

Qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya looga helay Covid-19 ayaa lagu soo warramay inuu ka caafimaaday cudurka, sida ay muujiyeen natiijooyinka labo baaritaan oo lagu sameeyay, kuwaasoo ka dambeeyay baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay.

Isaga iyo saddex qof oo kale ayaa la filayaa in la sii daayo, waxaana dhammaan magacyadooda lagu xusay warqad kasoo baxday xukuumadda Federaalka oo ku socotay maamulka xarunta karantiilka.

"Kaddib markii la dhammeystiray habraaca baaritaanka Covid-19 ee lagu sameynayay dadkii looga shakiyay cudurka ee ku jiray xarunta karantiilka, loona maray qaabka ay ku talisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay natiijadu noqotay in laga waayay cudurka. Sidaas darteed mar haddii ay dhammeysteen waqtiga karantiilka, labo jeer oo la baarayna laga waayay xanuunka, waxay Wasaaradda Caafimaadku go'aansatay inay ku taliso sii deyntooda oo dhaqan galeysa laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka March", ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya