Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in aysan waxba kala socon sababta loo xiray agaasimaheeda maaliyadda

0
Monday April 06, 2020 - 15:57:13 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in aysan waxba kala socon sababta loo xiray agaasimaheeda maaliyadda

    Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in aysan waxba kala socon sababta loo xiray agaasimaheeda maaliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in aysan waxba kala socon sababta loo xiray agaasimaheeda maaliyadda Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowiyo Abiikar, ayaa sheegtay in aysan macluumaad ka haynin xariga agaasimihii maamulka iyo maaliyadda waaaradda Caafimaadka, Maxamuud Maxamed Buule, kaasoo la xiray afartii bishaan Abril.
Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in aan wasaaraddeeda loosoo gudbin sababta agaasimaha loo xiray agaasimahooda, inkastoo ay tilmaamtay inuu socdo baaritaano badan.

Waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay hay’addaha gacanta ku haya kiiska agaasimaha kala shaqeyso wixii macluumaad oo looga baahdo.

Xariga agaasimaha, waxaa lala xiriirinayaa arimo musuq maasuqa maaliyaddeed ah, sida aan kasoo xiganay ilo katirsan dowladda, Balse hay’adda soo xiray weli kama aysan hadlin.