Maxay shacabka Mareykanka Hub U Wada Doonteen Xilli Uu Saameyay Covid-19?

0
Wednesday April 08, 2020 - 08:50:00 in by salman abdi
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay shacabka Mareykanka Hub U Wada Doonteen Xilli Uu Saameyay Covid-19?

    Maxay shacabka Mareykanka Hub U Wada Doonteen Xilli Uu Saameyay Covid-19?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay shacabka Mareykanka Hub U Wada Doonteen Xilli Uu Saameyay Covid-19?

Shacabka Mareykanka ee khatarta weyn ka wajahaya cudurka sida ba'an ugu sii fidaya dalkaas ee coronavirus ayaa haddana bishii lasoo dhaafay iibsaday hubkii ugu badnaa ee la diiwaan galiyo tan iyo markii ay laanta dambi baarista ee FBI-da billowday xog uruurinta ku saabsan ganacsiga hubka muddo 20 sano ka hor ah. Haddaba maxay tahay sababtu?


 


Iyadoo tirada dhimashadu ay maalin walba kor usii kaceyso, inta badan waddankana uu ku jiro nooc xayiraadda dhaqdhaqaaqa ah, dad badan oo Mareykan waxay u muuqdaan inay u jeesteen dhinaca hubka iyagoo ka falcelinaya waxa socda Arrintan ma aha kaliya cabsi lagaqabo inuu isku dhex yaac ka dhaco shacabka dhexdiisa, oo markaas sharciga la jabiyo, sida ay khubarada sheegeen.


Maxay muujinayaan tirooyinku?

Hay'adda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da waxay baaritaanno tixraac ah ku sameysay 3.7 malyan oo qof oo damacsanaa inay hub iibsadaan bishii March ee sanadkan 2020-ka, waana tiradii ugu badneyd ee la diiwaan galiyo tan iyo sanadkii 1998-kii Tiradan waxay muujineysaa koror 1.1 malyan ah markii la barbar dhigo bishii March ee sanadkii 2019-kii.


Maalintii ay taariikhdu ahayd 21-kii bishii March oo kaliya waxaa tixraac lagu sameeyay 210,000 oo ruux, waana tiradii ugu badneyd ee abid hal maalin gudaheed lagu sameeyo Sida ay shaaciyeen warbaahinta Mareykanka, FBI-da waxay sheegtay in hub ka badan labo malyan oo qori la iibsaday bishii March gudaheeda oo kaliya Gobolka Illinois oo ugu sarreeyay ayaa laga iibsaday ku dhawaad nus malyan qori, waxaana kusoo xigay gobollada Texas, Kentucky, Florida iyo California.



Dukaamada hubka lagu iibiyo ee guud ahaan waddanka ayaa soo tabiyay inaysan awood u heli karin inay hub cusub soo dhigaan si ay u daboolaan baahida weyn ee ay dadka qabaan Tirooyinkan ugu dambeeyay waxay xitaa ka sarreeyaan heerkii ugu sarreeyay ee hub iibsashada Mareykanka ay gaartay ee ahaa 3.3 malyan sanadkii 2015-kii, xilligaasoo maamulkii Obama laga cabsi qabay inuu xakameyn adag kusoo rogo gadashada hubka kaddib markii lagu baraarugay toogashadii ka dhacday magaalada San Bernardino ee gobolka California.



Maxay gadashada hubka aad ugu badaneysaa?

Sida uu aaminsan yahay Timothy Lytton, oo ah macallinka cilmiga sharciga ka dhiga Jaamacadda gobolka Georgia, khabiirna ku ah ganacsiga hubka ee Mareykanka, labo sababood ayaa ugu waaweyn kororka hub iibsashada, kuwaasoo salka ku haya xiisadaha ka dhashay coronavirus.


"Tan koowaad oo ah in laamaha dowladda ee u adeega shacabka - sida; dab damiska, booliska iyo howl wadeennada caafimaadka - ay aad u "mashquuli karaan" haddii ay dhibaatadu sii weynaato, taasina ay horseeddo in ay meesha ka baxdo kala dambeynta sharciga. Haddii ay xaaladdu heerkaas gaartana qofkii hub heysta "wuxuu isku difaaci karaa" isagoo naftiisa ku badbaadsanaya", ayuu yiri