Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq U Soo Jeediyey Xukuumadda & Shacabka Somaliland

0
Sunday April 26, 2020 - 09:32:08 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq U Soo Jeediyey Xukuumadda & Shacabka Somaliland

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq U Soo Jeediyey Xukuumadda & Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq U Soo Jeediyey Xukuumadda & Shacabka Somaliland

 Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, waxaanu ka digay wax kasta oo qaranimada Somaliland lid ku ah.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Koronaha iyo bisha Ramadaan, waxaanu ugu horeyn yidhi "Hore u socon maayo, dib u socon maayo, la inoogama baahna. Ta kale inaynu ka ilbaxno Weeyaan dagaal soo noq-noqda, colaad iyo aano, cid kasta oo colaad iyo fidno wadana in talaabo sharciga waafaqsan la mariyo weeyaan, maxaa yeelay Maanta ma qaadi karno dagaalo iyo colaado dib inoogu soo noqda, bishii Ramadaan ayaynu ku jirnaa, ee ha la xishoodo, oo nabadgalyada ha la ilaaliyo qof walbana akhiradiisa ha ilaashado”.

Mar uu ka hadlayey xanuunka Coronavirus ayaa yidhi "Coronavaris maaro ayaa loo waayey, oo daawo ayey caalamkii u waayeen, ee ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu inaga hayo, oo dadkeena muslimiinta meel kasta oo ay joogaan uu ka badbaadiyo, ee wixii waano iyo wacyigelin ah ee ku saabsan xanuunkan ha la qaado oo ayaan laga dhego adaygin”.