Ethiopia oo shaacisay dad ka yimid maamul goboleedka Puntland in laga helay cudurka Covid19

0
Wednesday April 29, 2020 - 20:04:07 in by salman abdi
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia oo shaacisay dad ka yimid maamul goboleedka Puntland in laga helay cudurka Covid19

    Ethiopia oo shaacisay dad ka yimid maamul goboleedka Puntland in laga helay cudurka Covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia oo shaacisay dad ka yimid maamul goboleedka Puntland in laga helay cudurka Covid19 Ethiopia waxay soo bandhigtay afar kiis oo cusub oo ah coronavirus (COVID-19), oo laga soo saaray baaritaan laga qaaday 766 qof 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

 

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay waa muwaadin Itoobiyaan ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Saddex ka mid ah waxay ka yimaadeen Puntland waxayna ku sugnaayeen xarun karantiil oo kutaala jaamacadda Jigjiga.

Sideed dad ka badan ayaa sidoo kale ka soo kabsaday fayraska, taas oo wadarta tirada soo kabashada ka dhigaysa 58 qof.

Tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ee COVID-19 ee dalka Ethiopia ayaa haatan gaarey 126 qof. Dhimashada ayaa weli ah 3, iyada oo guud ahaan dadka laga baaray cudurka ay gaareen 16, 434.