
Bahda Caafimaadka Hala Garab Istaago W/Q Eng. Mohamed Ismail Ahmed
Asalaamu callaykum . Sida aynu la wada socono waxa dunida ka socda dagaalka lagu la jiro caabuqa Coronavirus / COVID19 oo dunida faro ba'an ku haya dawaladihii awooda is biddi jirayna ciidda ku daray , jiho kasta dunida gaadhay boqolaal kun oo qofna dilay , kuwo kalan sariiraha wadhay. Caabuqan oo dunida saamayn balaadhan ku yeeshay dhanka caafimaadka , dhaqaalaha , isu socodka cirka , badda iyo dhulkaba , wadamo badan ay la tacaalayaan dhibtiisa .
Sida aynu ka warqabno wadankasta oo dunida ku yaala maanta waxa gurmad u ah oo babaadinta shacabka
masuuliyad ugu wayn ay saaran bahda caafimaadka oo habeen iyo hadh ku dadaalaya badqabka , la
tacaalida bukaanada cudurkani asiibay iyo xakamaynta faafitaanka caabuqa COVID19 .
waxa ay bahda caafimaadka soo saaraan Talooyinka iyo go'aamada caafimaadka bulashada waxtar u leh
oo sida loo fuliyo ay ku xidhantay guul in laga gaadho ama la xakameeyo faafida cudurka .
Hadaba Inaga oo og in cudurkaasi soo gaadhay dalka ,sida wasaarada horumarinta caafimaadka iyo gudiga
u xilsaarani ay inoo sheegeen .
waxa inala gudbaan ka shacab ahaan in aynu qaadano talooyinka iyo go,aamada bahda caafimaadka inoo
soo jeediyeen , si aynu bulsho ahaan uga badbaadno masiiibooyinka caabuqa Coronavirus alle ha ina
badbaadiyee.
Bahda caafimaadka ee maalin iyo habeen u taagan caafimaad qabka dalkooda iyo dadkooda , una soo
shaqayn jiray , maantana hawshii qaranka ay u hayeen ugu darsantay la dagaalka caabuqa coronavirus
COVID19 oo qofkasta halis ku ah.
Inago oo og in bahda caafimaadku khatar ugu jiraan caabuqan una adeegayaan 24 sacaaddood bukaanada
cudurkani asiibay ama looga shakisanayay .
hal mihnadlea ma dhakhtar caafimaad oo ka mida bahda caafimaadka oo aynu ku wayno caabuqa
coronavirus waa ka daranyay kana xanuun badanyay 100 ruux oo bulashada qaybeheeda kale ah oo u
geeriyooda ,sababta oo ah waa indhaha bulashada .
Sidaynu ognahay ma haystaan ama kuma filna lebiska ama agabka loogu talagay inay ka difaacan ama ka
ilaaliya inay cudurradu usoo gudbaan iyaga, afka qalaadna lagu yidhaah (Medical Protective Clothing).
Hadaba ka bulsho ahaan waxa inagu waajiba inaynu garab istaagno una mahad celino , loona sheego
inaynu ognahay dadaalka iyo shaqad adag ee dalkooda iyo dadkooda u hayaan .
waxa kale oo inagu waajiba shiikh iyo shariif ba , madax iyo mijaba , in bahda caafimaadku talooyinka iyo
go'aamada ay soo saaraan sidooda loo dhaqan galiyo.
Dawladda , ganacsatada iyo bulashada inta ladan iyaguna ugu deeqaan waxkasta oo ay ubaahanyiin haday
qalab noqoto , iyo dhiiri galin ba .
Waad mahadsantiin Waanu ognahay dadaalka aad wadaan , rabi ha idinka abaal mariyo , maanta waxaad
gudanaysaan waajibka qarannimo , taariikhada ayaa idin xusi doonta.
Waxaad tihiin geesiyada dhabta ah ee maanta bulasha badbaadinaya , cidkasta oo idin kala qayba qaadata
caafimaad qabka bulshada waa geesiyada qaranka , haday noqoto ciidanka qaran iyo dawladaba.
HA La Garab Istaago Bahda Caafimaaadka
Allaa Mahadleh
W/Q Eng. Mohamed Ismail Ahmed
Istanbul Turkey
Bahda Caafimaadka Hala Garab Istaago W/Q Eng. Mohamed Ismail Ahmed
Asalaamu callaykum . Sida aynu la wada socono waxa dunida ka socda dagaalka lagu la jiro caabuqa Coronavirus / COVID19 oo dunida faro ba'an ku haya dawaladihii awooda is biddi jirayna ciidda ku daray , jiho kasta dunida gaadhay boqolaal kun oo q