Live:-Venezuela ah oo soo bandhigay 'Muwaadiniin Ameerikaan ah oo qiranaya inay wadeen afgambi dhicisoobay'

0
Thursday May 07, 2020 - 09:45:36 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Live:-Venezuela ah oo soo bandhigay 'Muwaadiniin Ameerikaan ah oo qiranaya inay wadeen afgambi dhicisoobay'

    Live:-Venezuela ah oo soo bandhigay 'Muwaadiniin Ameerikaan ah oo qiranaya inay wadeen afgambi dhicisoobay'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Live:-Venezuela ah oo soo bandhigay 'Muwaadiniin Ameerikaan ah oo qiranaya inay wadeen afgambi dhicisoobay'

Taleefishinka qaranka ee Venezuela ayaa soo bandhigay muuqaal lagu muujinayo in muwaadiniin Ameerikaan ah ay maleegayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay misana geeyaan waddanka Mareykanka.

Luke Denman waxa uu ka mid ahaa 13 qof oo la xiray dabayaaqadii todobaadka. Venezuelana waxa ay sheegaysaa in ay ahaayeen "calooshood u shaqeystayaal" weerrarkoodii hubaysnaa lafashiliyay.

Mr Maduro ayaa badanaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu ku eedeeyaa inuu iskudayayo inuu xoog ku soo galo dalkiisa oo uu isaga xilka ka tuuro.

Mr Trump ayaa bilowgii todobaadkan waxa uu gaashaanka u daruuray in Mareykanku uu arrintaas ku lugleeyahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka "ay adeegsan doonto wax walba" oo ay ku xaqiijinayso in raggaasi Ameerikaanka ah ay dib ugu soo laabtaan.

Muxuu baahiyay taleefishinka Venezuela?

Arbacadii ayaa waxaa muuqaal ku soo baxay, Mr Denman, oo ah 34-jir, kaas oo u muuqanayay inuu sharaxayay sida loogu soo kiraystay inuu dad u dhashay Venezuela ku tababaro Colombia ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Caracas oo uusan la wareegin gacan ku haynta garoonka diyaaradaha si uu u fududeeyo in Mr Maduro dalka looga saaro.

"Waxaan dadka Venezuela gacan ka siinayay inay dib ula wareegaan maamulka dalkooda," Mr Denman, oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ayaa u muuqanayay inuu sidaasi leeyahay.

Mr Denman ayaa sheegay in isaga iyo Airan Berry, oo 41-jir ah, uu qandaraas siiyay Jordan Goudreau, oo ah halyey hore oo milateriga Mareykanka ah kaas oo hogaamiya shirkadda Mareykanka ee Silvercorp, si ay howlgalka u fuliyaan.

Venezuela ayaa sheegtay inay dalban doonto in loo soo dhoofiyo Mr Goudreau, kaas oo qirtay inuu howlgalka ku lug lahaa.

File photo of President MaduroLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMareykanka ayaa wacad ku maray in Madaxweyne Maduro xilka ka tuuro doono isagoo adeegsanaya cunaqabatayn

Sida uu sheegay Mr Maduro, shirkadda Silvercorp ayaa waxa ay qandaraas la saxiixatay hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó, kaas oo ah siyaasi ay Mareykanka iyo dalal badan oo Yurub u arkaan hogaamiyaha sharciga ah ee Venezuela.

"Donald Trump ayaa ah madaxa hogaaminayay weerrarkan", ayuu yiri Mr Maduro mar uu ka hadlayay shir jaraa'id oo uu qabtay kaddib mar la baahiyay muuqaalka Mr Denman.

Madaxweynaha Venezuela ayaa sheegay in raggaasi Mareykanka ah heli doonaan maxkamadayn cadaalad ah.

Xogkale oo dheeraad ah oo ku saabsan meesha raggaasi lagu hayose muusan bixin. Mana ay cadda in qareen uu arki karo iyo in kale.

Maxay yihiin muwaadiniinta Mareykanka ah ee la xiray?

Wax badan lagama oga cidda ay yihiin Luke Denman, oo 34 iyo Airan Berry, oo 41 jir ah.

Taliye sare oo ka tirsan milatariga Venezuela ayaa sheegay in labada ruux ay xubno ka yihiin ciidamada ammaanka Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabiyay inay yihiin xubno horay uga tirsanaa ciidanka, laakiin arrintan wali si rasmi ah looma xaqiijinin.

Madaxweyne Trump oo Talaadadii raggaas wax laga weydiiyay ayaa yiri: 2Waan ogaan doonnaa. Waan maqalnay arrintooda,".

Wuxuu intaas ku daray inaysan labadaas qof wax xiriir ah la lahayn dowladdiisa.

Hase ahaatee, Jordan Goudreau, oo horay uga tirsanaa milatariga Mareykanka ayaa durba sheegay in dadkaas ay ka mid ahaayeen ciidanka.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayuu ku yiri: "Way ila shaqeynayeen. Waa raggeyga."

Mr Goudreau, oo madax ka ah shirkad si gaar ah si gaar ah loo leeyahay oo amniga ka shaqeysa, laguna magacaabo Silvercorp USA, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadka diyaarinayay qorshaha afgambiga.

Muxuu arrintan ugu lug yeeshay nin kasoo jeeda Florida?

Baaritaan ay dhawaan sameysay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa lagu sheegay in Mr Goudreau uu ka mid ahaa koox horay milatariga uga howlgabtay oo rag ka soo goostay ciidanka Venezuela ku tababarayay xero qarsoodi ah oo ku taalla Combia.

Waxaa lagu soo warramay inay horay u qorsheeyeen howlo ka baxsan xuduudda oo lagu guul darreystay. Qprshaha ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah lagu damacsanaa weerar ka dhan ah sladhig milatari, si loo abuuro kacdoon horseeda in ugu dambeyn xilka laga tuuro madaxweynaha.

Venezuelan security forces in Macuto after the alleged invasion attemptLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionCiidammada ammaanka ee Venezuela

Warbixinta ay AP soo saartay Jimcadii ayaa lagu sheegay in la helay caddeyn muujineysa in dowladda Mareykanka ay qorsheyaashan ku lug leedahay.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay Mr Goudreau uu diiradda saaray arrimaha Venezuela bishii February ee sanadkii 2019-kii, kaddib markii uu ka shaqo billaabay hay'ad amniga sugta oo ka shaqeysa xadka u dhaxeeya Colombia iyo Venezuela, taasoo uu aasaasay bilyaneer u dhashay UK oo lagu magacaabo Richard Branson, sidoo kalena uu dhaqaale ku taageero hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó.

Maxaa horay u dhacay?

Mr Goudreau ayaa sidoo kale sheegay inuu howlgallo dilal ah la fuliyay Mr Guaidó, oo ay in ka badan 50 waddan u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweynaha Venezuela ee sharciga ah.

Maalintii Isniinta, Mr Guaidó wuxuu dafiray inuu wax shaqo ah la qabtay sarkaalka ka howl gabay milatariga Mareykanka.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in "uusan xiriir la lahayn mas'uulna ka ahayn wax ficillo sharci darro ah" oo uu fuliyay rugcaddaaga milatariga Mareykanka.

Dhinaca kale wuxuu maamulka madaxweyne Maduro ku eedeeyay inay isku dayayaan sidii shacabka indhahooda looga jeedin lahaa qalalaasihii ugu dambeeyay.